Tuesday, December 23, 2014

Awdal:Maleeshiyada hubaysan oo Hanjabaad cusub u jeedisay Dawladda..Daawo

Ciidamo dheeraad ah oo Gobolka Gaadhay, Saylici oo Dhibiil Dambas huwan Sakhiray, Siilaanyo oo Jawaab laga eegayo iyo shacbiga Dareenkoodu aanu degin wali........Akhri warbixin iyo Muuqaal



jabhdBoorama(GNA)-Muqaal cusub oo ay soo saareen Maleeshiyada la baxday Jabhada Xoreynta Awdal oo uu hogaamiye u yahay Suldaan Abubakar Cilmi Wabar, oo ka mid ahaa Madaxdhaqameedka Gobolka Awdal, balse horaantii bishan ku dhawaaqay inuu hogaamiye dagaal isu bedelay, ayaa maanta lagu baahiyay Baraha Warbaahinta.



Muuqaalkan oo ah kii labaad ee Kooxdan laga helo, tan iyo markii lagu dhawaaqay, ayaa waxa ka soo muuqday saddex Nin oo ku hubaysan qoryo fudud iyo Qori Shilikaha nooca loo yaqaano ama cagoolaha ah, kuwaasoo ku hanjabay inay dagaal la gelayaa Ciidanka Somaliland iyo dadka u dhashay gobolka ee taageerada u fidiyey Dawladda, waa sida ay hadalka u dhigeene.



Waxa ay shacbiga gobolka, khaasatan dhalinyarada inay ku soo biiraan, waxay ugu yeedheen halganka xoraynta Awdal, iyagoo digniinna u diray kuwa ka soo horjeeda oo ay ku tilmaameen cadowgooda saaxiibkii..



Hoos ka DAAWO



Ciidamo dheeraad ah oo Gobolka Gaadhay







Geesta kale, waxa maanta Gobolka Awdal mar kale dib looga dareemay dhaqdhaqaaq ciidan oo cusub oo ay sameeyeen ciidamada Somaliland ee Gobolka ku sugan, kuwaasoo maanta Kolanyooyin hor leh lagu soo xoojiyay.



Ciidankan oo ah Milateri  ku gaashaaman Gaadiid tiro badan oo Tikniko ah ayaa waxay ka soo ambo baxeen xagga Magaalada Hargeysa . mana jiro wax war ah oo ay ilaa hada dawladdu ka soo saartay sababta loogu xoojiyay ciidanka halkaasi hore u sii joogay oo ay xaasaasiyad ka muujisay Bulshada Gobolku.



Saylici oo Dhuxul Dambas huwan Sakhiray



Dhanka kale, Arrimahan ayaa waxay imanayaan maalin kaddib markii ay Magaalada Boorama ka soo laabteen Wefti uu hogaaminayo Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil Saylici oo todobaadkii hore dhamaadkiisii ku biiray Wefti wasiirro ah oo iyagu in muddo ah la tacaalayay xiisadda siyaasaddeed ee gobolka ka aloosan .



Weftiga Saylici, ayaa intii aanay Gobolka ka soo ambo bixin waxay ku dhawaaqeen in si miyir qab ku jiro lagu xaliyey shaqaaqadii xudunteedu ka abuurantay tabashada mujtamaca gobolka, isla markaana natiijada wax ku ool ah laga gaadhay kulamo lala sameeyay hogaan dhaqameedka iyo qaybaha kale ee Bulshada oo ay weftigu sheegeen inay la qaateen dhowrista nabad-gelyada.



Inkasta oo xubnaha weftiga sidaasi  warbaahinta ka sheegeen, hadana indheer garadka Gobolka iyo dadka hoos ahaan ugu dhuunta daloola xiisaddan ayaa aaminsan inaanay jirin wax maslaxad ah oo ilaa wakhtigan lagu dejiyay xaaladihii ujeedo badanka ahaa ee kiciyay qul-qulatada iyo khilaafka culus.



Waxa intaasi ku darayaa in weftiga Saylici Boorama kaga yimaadeen Dhuxul danbas huwan oo markay doonto u diyaar ah in dib loo shido.



Siilaanyo oo Jawaab laga sugayo



Isku soo wada duuboo sida laga soo xigtay Masuuliyiin sar sare oo xukuumadda Somaliland, ka tirsan aqalka madaxtooyada Somaliland ayaa maalmaha soo socda isu diyaarinaya sidii u jawaab uga soo saari lahaa tabashadii  madaxdhaqameedka Gobolka hordhigeen Awdal Madaxweyne Siilaanyo billo ka hor, taasoo uu bishii hore mar Madaxweynuhu balanqaaday inuu deg deg wax uga qaban doono, balse hadana ilaa hada  wax ka soo noqday aanay.



Ma cadda waxay noqon doonto jawaabta Siilaanyo ka bixin doono tabashada reer awdal oo xataa saameyn qaran wax yeellan kara ku jiri karaan, hase-ahaatee Wasiirka Arrimaha Gudaha Cali Maxamed Waran-cadde, ayaa Axdii shalay ugu bushaareeyay shacbiga gobolka inuu miiska  Madaxweyaha  saaranyahay fal-celiska  qodobadii ku xusnaa tabashada dhaqanka Gobolku soo gudbiyay.



Gobanimonews



London Office



Email: editor@gobanimonews.com