Thursday, December 25, 2014

Xisbiga UCID noqon maayo sida xukuumadda kulmiye..Q14-aad

UCID NOQON MAAYO SIDA XUKUUMADA KULMIYE.Q.14aad



Xisbiga cadaalada iyo daryeelka-UCID waxa uu fulin doonaa dastuurka iyo rabitaanka shacabka,waxa uu kaga dhabayn doonaa madaxbanaanida JSL ee ay madawga gelisay xukuumada kulmiye.




Xisbiga UCID waxa uu dib u soo celin doonaa walaalnimada shacabka JSL,waxa uu sinnaansho ku soo celin doonaa saami qaybsiga saddexda awoodood ee dalka,kalana ah madaxweynaha,gudoomiyaha guurtida iyo gudoomiyaha wakiilada oo ay xukuumada kulmiye ku koobtay beesha dhexe.Arrinkaa saldhiga u ah hab-dhaqanka siyaasada JSL ee aynu aduunka kaga doonayno aqoonsiga ayuu xisbiga UCID siin doonaa miisaanka ugu culus.Xibiga UCID waxa uu dalka ku soo dabaali doonaa ku dhaqanka cadaalada si shacabku u helo cadaalad loo simanyahay oo ay xukuumada kulmiye kor u laashay.




Xisbiga UCID waxa qorshaha ugu jira qaabab kala duwan oo dastuurka iyo shuruucda dalka loo gaadhsiin lahaa,loona bari lahaa shacabka JSL si muwaadiniyiintu u qabitanto ku dhaqanka shuruucda si looga baxo qabyaaladan ilkaysatay ee ay xukuumada kulmiye ka abuurtay dalka,kuna kala fogaysay shacabka JSL si ay cimri dherer u hesho.Maanta heerka ay xukuumada kulmiye gaadhsiisay qabyaalada waynu aragnaa,waxaanay sababtay indegaanada galbeedka iyo bariga dalka ka dhashaan kooxo ku dhawaaqa siyaasado aan u dan ahayn midnimada shacabka JSL.Boogahaa ay xukuumada kulmiye sii damqayso ayuu xisbiga ucid ku dhayi doonaa cadaalad,si mug leh-na u fulin doonaa sinnaanshaha shacabka JSL.




Xisbiga ucid waxa uu…………..




Xuseen Xasan Badmaax




Human Rights Secr.




UCID




Hargeysa/JSL