Wednesday, December 24, 2014

Khilaafka Musharaxixiinta Kulmiye oo laga digay

waraabe-caddeHargeysa(GNA):- Xubno ka tirsan Dhalinyarada Aqoonyahanka ah ee Beesha Galbeedka iyo Waqooyiga Hargeysa degta oo sida ay sheegeen ka madax-bannaan labada arrimaha Siyaasadda iyo dhinacyada isku haya hanka Madaxtinnimada Xisbiga KULMIYE Madaxweyne Siilaanyo ka dib, ayaa Shir Jaraa’id oo ay maanta ku qabteen magaalada Hargeysa, ayaa sheegay inay ka soo horjeedaan inay beeshu dib ugu noqoto wixii laga soo gudbay qarniyo hore ee ahaa qabiil qabiil iyo reer-hebal, waxaanay ku taliyeen inay beeshu ka fogaadaan wixii meeqaamkooda iyo midnimadooda wax u dhimaya.



Dhalinyarada waxaa ka mid ahaa Axmed Maxamed Shaqalle oo ka mida Dhalinyarada Beesha Sacad Muuse, waxaanu ugu horreyn sharraxaad ka bixiyey ujeeddada kulankooda dhalinyaro ahaan iyo waxay ka hadlayaan, waxaanu yidhi; “Maanta oo ay taariikhdu tahay 23 12- 2014 kulankayagan waxaannu kaga hadlaynaa Aqooyahanka iyo Dhaliyarada Beesha Galbeedka iyo Waqooyiga magaalada Hargeysa  waxyaalihii Warbaahinta ku soo noqnoqonayey maalmihii la soo dhaafay. Markaad ka hadlayso wax toosinta iyo arrimaha wanaagga ceeb maaha inaad sheegto magaca qabiilka ama wixii sidan oo kale ah. Beeshu sida aan la soconno waxay hormuud ka ahayd ama ay qayb wayn ka soo qaadatay nabaddii yo xasilloonii ka hirgashay Somaliland maantana munaasib kuma aha inay dib ugu laabato meel hoose iyo reernimo.”



Shaqale waxa uu sheegay waxa ku qasbay inay ka hadlaan isaga iyo dhalinyarada kaleba arrintan, waxaanu xusay inay dareemeen dhaq-dhaqaaqada Siyaasadeed oo ay Beesha Sacad Muuse maalmahan dambe wajahayso iyada oo ay maalintii Sabtidii hore ee la soo dhaafay isla Hotelka Maan-soor 1000 qof oo beesha ka tirsani shir ku qabteen, kaasoo ay ku sheegeen inay kala reebeen 3 dii musharax ee Xisgiga Kulmiye dhexdiida ka tartamayey, isla markaana ay Muuse Biixi oo kaliya isku raaceen inay Beeshu taageerayso musharaxnimadiisa halka ay labada Musharrax ee kale oo kala ah Wasiirrada arrimaha dibedda iyo Maaliyadda Maxamed Biixi Yoonis iyo Cabdicasiis Maxamed Samaale sheegeen ku shirkoodaasi inay hakiyeen.



“Beeshu uma baahna in maanta la kala fogeeyo ama la kala qaad-qaado iyada oo ay saddexda Musharraxba noo simanyihiin in la kala qaad-qaado beesha dhexdeeda, isla markaana lagu jiro xilli ay d alka abaaro ka jiraan oo beesha looga baahan yahay inay ka shaqayso danaha guud ee bulshada ku abtirsata beesha Sacad Muuse.” Sidaa ayuu yidhi Axmed Shaqalle, waxaanu sheegay inay baahi badan oo iskaashi u baahani jirto, isla markaana ay muhiim tahay inay Beeshu arrimeheeda kale ee aan siyaasaddu ugu horreyn ka shaqeeyaan.



Cabdi-khadar Cumar Cismaan oo isaguna kulankaas ka hadlay, waxa uu yidhi; “Saddexda Musharrax waa reerka aannu ka soo jeedno, waxaanan ka dhalinyaro ahaan aad iyo aad ula yaabnay  Guddigii horumarinta beesha ee Hoodale waxa ku kellifay inay Siyaasadda dhex-galaan oo ay hawlihii Xisbiyada Siyaasadda loo furtay  inay ka shaqeeyaan iyagu dhex-gayaal iyada waan ka xumay, markii iigu horreysay inaan maanta ku hadlo af-reernimo waayo arrintani waa arrin fool-xun loomana adkaysan karo  wixii kala fogeynaya ee tanfaraaqa beesha keenaya.” Waxaanu sheegay in Guddigaasi tahay mid loo abuuray ka shaqaynta horumarinta beesha, balse aan loo samayn inay siyaasad iyo waxay beeshu ku kala fogaanayso ka shaqeeyaan.



Maxamuud Axmed Jaamac oo isaguna halkaa ka hadlay waxa uu taageeray xubnaha ka horreeyey waxaanu sheegay inaanay maanta ahayn maalintii ay beeshu ku kala jabi labayd arrimo qabiil iyada oo ay jiraan Xisbiyo kala duwan oo Siyaasadeed, kuwaasoo loo samaystay inay ciddii hadal doonaysaaba ka dhex-hadasho arrimaha Siyaasaddana looga dambeeyey Siyaasiyiinta iyo Xisbiyadooda ay ku kala jiraan.



Waxaa isaguna halkaa ka hadlay Eng. Maxamed Ismaaciil Cumar oo sheegay inay ka dhalinyaro iyo Aqoonyahan ahaa mba ka soo horjeedaan arrimahan beesha dhexdeeda ka socoda ee lagu kala taageerayo Siyaasiyiinta Xisbiga Kulmiye uga dhex-sharaxan Kursiga Madaxweynaha Xisbigaas Madaxweyne Axmed-Siilaanyo markiisa labaad ka dib. “Annaga ka dhalinyaro ahaan way noo simanyihiin 3-da Musharrax waanay Mudanyihiin maalinta ay timaaddo  codka saqnduuqa oo keliya meeshaad ku ridayso codkaaga loogu rido mid walba, balse maanta looma baahna in laga soo hordhaco kala doorasho aan wakhtigeedii la joogin.” Sidaa ayuu yidhi Eng. Maxamed Ismaaciil Cumar.



Xasan Waraabe Cade oo ah nin inta badan isagu ka shaqeeya arrimaha Ciyaaraha iyo sidii dhalinyarada looga jeedin lahaa balwdaha iyo dhaqamada xun-xun looguna jahayn lahaa xagga waxbarashada hormarkooda, ayaa halkaas ka hadlay, waxaanu sheegay inaanu jeclayn  inuu magac reer ku hadlo, balse uu ka adkasyan kari waayey waxa ka dhexsocda Beesiisa isaga oo arrimahaa ka hadlayana waxa uu yidhi; “Maanta waxaan qabaa dhalinyardii aannu Sport-ga ku soo barbaarinaynay iyo qabyaalad nacaybka in magac reer iyo qabiil laga soo gudbay qarniyo hore dib lagu abababinayo. Waxaan rabaa inaynaan dib ugu noqonin odhaahdii Cigaal ee ahayd waxaan idiinka digayaa inaad reeraha iyo qabyaaladda dib ugu noqotaan.”



“Waxaanan leeyahay yaanay siyaasiyiinta reerku dib noogu celinin waxaa aan soo sheegay ee Cigaal nooga digay, waxaana leeyahay waa inay iyagu walaaloobaan oo ay dhexdooda ka wada sheekaystaan sidii ay beeshooda hormar u gaadhsiin lahaayeen kadiba Qarannimada Somaliland ugu soo gudbi lahaayeen.” Sidaa ayuu yidhi Xasan Waraabe Cadde.



Waxa iyaguna Shirkaa Jaraa’id ka hadlay Siciid Mire Sheekh iyo Dhalinyaro kale oo ka mid ahaa Dhalinyaradan Shirka Jaraa’id maanta ku qabtay magaalada Hargeysa, ee ka hadlay arrimaha dhaqdhaqaaqa Siyaasadeed ee iska soo horjeeda ee Beesha dhexdeeda ka aloosan tan iyo Arbacadii toddobaadkii hore markii ay Salaasadii inna dhaaftay Guddiga horumarinta Beesha Sacad Muuse sheegeen inay kala reebeen Saddexda Musharrax ee Beesha, isla markaana doorteen Guddoomiyaha KULMIYE Muuse Biixi Cabdi inuu jagada Madaxweynennimo KULMIYE ugu tartamo Madaxweyne Siilaanyo ka dib, halka ay labada Wasiir sheegeen inay ka rabeen oo ay hakiyeen.