Tuesday, December 30, 2014

Guddoomiyaha Garabka Haweenka Xisbiga Waddani Ee Waqooyiga Amerika Suhuur Xassan Oo Tacsi Tiiraanyo Leh U Dirtay Dhammaan Saxaafadda Somaliland‏


zuhur 5Toronto (GNA) Guddoomiyaha garabka haweenka ee waqooyiga Amerika ee xisbiga waddani ahna safiirka warreega ee xisbiga, Marwo Suhuur Xassan Abiib ayaa dhambaal Tacsi ah u dirtay guud ahaan shacbiga Somaliland gaar ahaan saxaafadda Somaliland iyo qoyskii iyo qaraabadii uu ka baxay xog-hayihii ururka suxufiyiinta SOLJA marxuum Maxamed-rashiid Muxumed Faarax oo Alle naxariistii janno ha ka waraabiyee Maanta lagu aasay magaaladda Hargaysa.




Marwo Suhuur ayaa dhambaalkan ka soo dirtay iyadoo haatan ku sugan magaalada Toronto ee carriga Canada, waxaanu dhambaalkaasi u qornaa sida tan:




" inaa lilaahi wa inaa ilayhi raajucuun kulu nafsi daa,iqatil mawt geeridu waa xaq hasayeeshee maanta waxaa inaga baxay tiir dhexaad ay lahayd saxaafada xorta ahi waxaan halkan taci tiiraanyo leh uga dirayaa dhaaan shacbiwaynaha soaliland gaar ahaan saxaafada somaliland iyo qoyskii iyo qaraabadii uu ka baxay arxuum axamed rashiid muxumed faarax ilaahay naxariistii jano ha ka waraabiyo maxamed rashiid inagana samir iyo iimaan saadaq ah ha inaga siiyo, Maxamed-rashiid waxuu ahaa ruugcadaa islamarkaana waxuu ahaa qareenka saxaafadda xorta ah taariikhdaana xusi doonta" ayay tidhi maerwo Suhuur Xasan Abiib