Wednesday, December 24, 2014

Madaxweynaha oo Baarlamanka ku bogaadiyay Ansixinta R/wasaraha

Xasan SheikhMogadishu, 24 December 2014 –(GNA)- Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka ee Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa mudanyaaasha iyo Guddoonka Baarlamaanka Soomaaliya uga mahadceliyay ansixinta Ra’iisal Wasaare, Cumar Cabdirashiid Cali Sharmarke.



Madaxweynuhu wuxuu ku tilmaamay in Xildhibaannada Baarlamaanka fadhiyay ay dhammaantood cod oggolaasho ah ay ku taageeraan ansixinta Ra’iisal Wasaaruhu in ay ka tarjumeyso in uu yahay mas’uul magacaabiddiisa aad loogu qanacsan yahay, aadna loogu hanweyn yahay waxqabad muuqda in uu la yimaado.



Waxaan mar kale u ballan qaadayaa Xubnaha Baarlamaanka in Xukuumadda uu Ra’iisal Wasaaruhu soo dhisayaa ay noqoneyso mid inta suurta gal ah ay ku mideysan yihiin xoogagga siyaasadeed ee dalka.



Madaxweynaha Jamhuriyadda federaalka ee Soomaaliya, Xasan Shiikh Maxamuud, wuxuu shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay tallaabada horumarka ah eek u wajahan dhismaha Xukuumadda Soomaaliya ee maanta uu Baarlamaanku meelmariyay, wuxuuna bulshada u ballanqaaday in lagu dhakhsan doono dhammaystirka dhismaha Xukuumadda si loo guda galo howlaha waaweyn ee wax ka qabadka u baahan.



Ugu dambeyntii Madaxweynuhu wuxuu u hambalyeeyay Ra’iisal Wasaare, Cumar Cabdirashiid, oo maanta uu Baarlamaanku ansixiyay. Wuxuuna u rajeeyay in uu ku guuleysto mas’uuliyadda culus ee loo xil saaray.