Wednesday, December 31, 2014

Wasiir waran cade oo mar kale soo saaray amaro ku aadan bilicda dalka.

warancadeHargeysa(GNA):- Wasiirka Wasaarada Arimaha Gudaha Somaliland Cali Maxamed Warancade Oo Maanta Shir Jaara’id Ku Qabtay Xafiiskiisa Ayaa Waxaa Uu Sheegay In Sanadka Cusub Ee inoo Bilaabay Awgii Uu Soo Saarayo Awaamiir Cusub Waxana Uu Ugu Horen Uu Sheegay In Faraayo Dhamaan Maayarada Degmooyinka Dalka In AY Ka Shaqeeyaan Isla Markaana AY Xooga Saaran Ilaalinta Iyo Bilcda Degoominka Dalka Waxana Uu Yidhi “hadii aanu nahay wasaarada arimaha gudaha iyo ha’yadaha hoos yimaada ee ay ugu horeyaan dawladaha hoose ee gobalada iyo degmooyinka dalka in aanu halkan maanta uga jeediyo in sanadka cusub 2015 ee inoo bilaamaya aanu xooga saarno laba arimood oo kala ah bilicda iyo quruxinta magaalooyinka dalka.

runtiina nadaafada iyo bilicdu waxa ay ka mid yahiin wax-yaabaha lagu qiimeeyo bulshooyinka caalamka ku nool waxaana ay ku turjuntaa marka ay dadku ku nool yahiin meelo nadaafadeedu sareyso bulshadaas kartidooda markaas waxaan halkan saaka ka soo saarayaa wareegto isla markaana aan u baahiyo yada oo qoraal ah iyo iyada oo af ahba dhamaan dhaamaan gobalada dalka iyo maayarada degmoyyinka isla markaana uu sanadkani uu noqdo mid aynu xooga saarno xaga nadaafda iyo bilicda gobalada dalkeena oo dhan” Ayuu Yidhi

Sidoo kale wasiirka oo hadalkiisa sii wata ayaa ku sii daray “ waxaan sidoo kale aan ku amrayaa dhamaan dawladaha hoose ee dalka in la fuliyo hawashii hore ee aheyd in qof waliba gurigiisa hortiisa uu dhigo mar-markii isla markaana ay nadiifiyaan isla markaana nin waliba uu xaadho gurigiisa hortiisa sidoo kalna dawlada hoose ay yaduna dhinaceeda xaadho si ay magaaladeenu u noqto mid nadaafadeedi aad u sareyso .

Wasiirka Arimaha Gudaha Cali Maxamed Waran Cade Waxaa Sidoo Kale Uu Ka Halday Baaburta Ku Soo Badaneysa Magaalda Hargaysa Iyo Mashquulka Dhinca Samxada Ah Ee AY Sababeen Waxaana Uu Yidhi “magaladeena waxaa ku soo batay gadiidka wax-yaabo badan ayaa noqday mid adag isla markaana kaliftay in aan leysku socon karin oo qofkii shaqo ku deg degaayey ama caruurtii schoolda la geenayey ay dhibaato badan kala kulmeen sidaas tarteed waxaanu amar ku bixineynaa in labada wado ee ay mid tahay ta hor marta madaxtooyada ee labada dhinac ba loo socdo in dhinac uun loo socon doono oo dhinca qorax u dhaca ay baabuurtu u socon doonan waxii todobaadkan ka danbeeya dawlada hoose iyo ciidamada wadooyinku ay ka gudan doonan wajibaadkooda.

Baabuurta u socota dhinac magaalada ama qorax ka soo baxa waxaa ay mari doonan oo ay isticmaali doonan wadada xaga danbe ka marta cisbitaalka weyn ee magaalada hargaysa labaadsi wadana waxaa ay ku kulmi doonana laba meelood oo ah hotel guuled oo dhinca galbeed ah iyo kaalinta ina galan oo dhinca bari ah markaasi labadaasi wado waxaa ay noqon doonan in wado waliba ay midna qorax u dhaca u socta midna qorax ka soo baxa u socota

Sidaas tarteed aniga oo tixraacaya xeerka wadooyinka ee xeer56/2013 qodabkiisa kowaad waxaan leeyahay sidaasa ayuu u fuli doonan oo waxaa fulin doona haa’yadaha ku shuqul leh waxaanan halkan mar labaad aan baaq ugu dirayaa in maayarada dalku ay si deg deg ah u fuliyaan “ ayuu yidhi

Ugu danbeetii waxaa uu wasiir Cali Waran Cade uu ka hadlay xukunada ay maxkamadaha dalku gadheen sanadkan iminka malinkisii ugu danbeeyey lagu jiro Waxana Uu Sheegay In Xukunadaas Fulintooda Sanadkan La Bilaabi Dooni “ dagaalkaasi waa dagaal balaadhan alleh ha inaga hayee wax walba way keeni kartaa dadkasina waxaa ay u baahan yahiin farsamo kasta oo ay la yimaadana in aynu ka hor tagano markaasi waxaan ku boorinyaa way bilaamaysaa sanadka cusub ayaanu bilaabaynaa waayo waxaa weeye waa in xaqii iyo xukunkii dadka lagu riday waa in aanu fulinaa “ ayuu ku soo koobay hadalkisii.
isku soo wada xoodoo hadalka wasiir waran cade ayaa ku soo beegmaaya xili aanay waxbadani ka fulin amaawiirtii hore ee bilicda magaalooyinka.
Mustafe axmed(Herer)

Gobanimonews/Hargaysa Office
somaliland
Herersax@gmail.com