Saturday, December 27, 2014

Oddoroska Nayruushka sanadka 2015-ka..

Qoraa:- Dr. Maxamed Faarax Qoti (Astrologist)



qotiEebbe ayaa  iska leh xukunka kownkan, maamulkiisa iyo qadarkiisana cidina lama wadaagto, duniduna  ku joogtaa  amarka awooda Eebe,  Rabigeen ayey u sugnaatay aqoon iyo cilmiba, waxaanu ku tilmaamay Intuu adamihiisa ku manaystay  wax kooban.



laakiin  Aadamuhu aadbay u jecelystaan inay wax ka ogaadaan wakhtiga fooda ku soo haya ee la xidhiidha waayahooda , hase yeeshee  umay fiirsan dhibta ku jirta ogaanshahooda, umana  adkaysan karaan ogaanshaha  hadday xogogaal u noqon lahaayeen  ayaamaha ku soo fool leh noloshooda  iyo saamiga ay ku leeyihiin farxad iyo naxdin, haddana aadamuhu ma daayo saadaasha iyo odoroska mustaqbalka.



Ku dhaqanka saadaashu waa mid ku salaysan qaab nololeed bulshaweynta, iyagoo u sahaminaya beerahooda, xoolahooda, iyo noloshooda, waxaana arrimaha saadaashaa wax laga weydiiyaa dad khibrad gaar  ah  u leh  aqoonta saadaalinta, garashana eebaa iska leh.



Haddaanu male aadame ku male’awaalno  saadaasha sanadkan cusub ee 2015, Dadka ku xeeldheer cilmiga odorosa xidigaha , waxay odhan jireen;-



Waxaan u eegay Mooro, Meere iyo Maalin, markaa Moorada Nayruus khamiiseed waxa  loo nisbeeyaa  ka sagaalaad ee liifato waana burjiga Qaansada oo ku aadan mudada u dhaxaysa 23/11-21/12, godadka dayaxa uu ku leeyahay mareeg dheer,  xoor cad iyo Madhan, oo ku began xilliga kala wareega Deyrta iyo Jiilaalka, waa Lab maalinle ah,  habeen isniineedbuu leeyahay waana naari,   waxaana lala xidhiidhiyaa,  Diinta, falsafad, safaradda  (gaar ahaan dibadda), sharciga, buugaagta, hawlaha daabacaadda, talo bixinta.



Faraxa Dayaxa burjigan waxa loo eegaa  Afar waji oo kala ah,; Dayaxa, Dardaar, , Venus, Libdhe;-



Wejiga hore, waxa lala xidhiidhiyaa; Deganaansho gudeed, Gurmad iyo itaal , sharar, ciriiri , baqdin, cadhada , dhaqdhaqaaqa safarka, riyaaqa horumarinta, faraxsanaanta, wajiga labaadna waxa lala xidhiidhiyaa; sugidda cilmiga, kutubta iyo wixii la xidhiidha garsoorayaasha, Kan Saddexaadna ;  jacaylka iyo guurka, ka  afaraadna ;  fikirka iyo horumarinta.
 



Wuxuu sigaara uu u khuseeyaa dhinaca  Awoodaha :  inay noqoto  hab diblomaasiyadeed, wixi dhaq-dhaqaaq ah, naawilid, walaalaha lab iyo dhedig, walaalaynta, xidhiidhinta.
arrimaha gaarka ahna: iskashi wanaagsan, lamaanaha,  ka fikirka maanta, khatarta isbiimeyn,  Tayo ku saleysan daacadnimada, daacadda iyo dareenka guud.



Wuxuu  jecelyahay;- daacadda, daacadnimoda, waxyaabaha dabeeciga ah, xayawaanka, safarka, tacaburka, caddaaladda, iyo xikmada,  weyneynta, sharafka, xafladaha, Quraanka.



Waxaanu  neceb yahay : waxaan damiiciga ahayn, iska yeelyeelida, macnaha hoose, dabaylaha iyo mowjadaha soo noqnoqonaya, ujeedada hoosaysa, kaxeynta, quruxda soo jiidashada leh, dhaqanka xun, iyo  dhoobada.



Noolahana dadka (Insaan) wuxuu ku sugan yahay waa loo nisbeeyaa, walwal iyo walaaca, dhinaca wanaagsan wax ka eega,  saaxiibtinimo,  khatarta iyo isboortiga, la arkee in mararka qaarkood niyad jab iyo guul, sidoo kalena ugaadhsiga xayawaankana



Oogada dadka waxaa lagu sheegaa inuu u leeyahay xumnaha oogada iyo kuwa qarsoon sida;- Sambabada, uurku jirta, sanka ka soo baxa, neefsashada, hawo mareenka ,  xubnaha muuqda waxa ka mid ah , labada gacmood iyo garbaha jidhka guud ahaan.



cuduradana xiiqda iyo wixii la xidhiidha neefsashada, shubanka , waxaana haboon in la iska illaaliyo Goobaha wasakhda leh  iyo inaan lagu deg-degin wixii qaliin ah.



Midabadana wuxuu ku leeyahay  midabka bada ee buluuga ah, Macdantana wuxuu ku leeyahay  rubiga iyo topaz,  Buqcadahana wuxuu ku leeyahay wadamada Spain, Australia, South Africa, Portugal, Mexico.
Dhinaca Shaqada waxa loo nisbeeyaa;- in la dhiso caddaalad, si ay u fahmaan, taas oo inta badan ka duwan aragtida dunida, iyo inuu iimaanku ku soo laabto dadka, waxaana haboon  in wax kasta lagu dhameeyo  Isfaham, iyo in la iska illaaliyo nin jaceylka in la dhiirigaliyo, Runtana Allaa og



Sannadkan cusub ee 2015,  wuxuu Dayuxu ku curtay burjiga 10-aad ee Orgiga oo ah arliyo ama  aquirus 11-aad ee hawaa’I ah  waxaana la odhan jiray wuxuu lee yahay darajooyinka ugu hooseeya, maareynta hadalka muhiimka, Tacsiyeyn la’aanta dabeecadaha madaxda,shirqoolka, xanta, ka jawaabid degdeg maskaxeed, Anaaninimadda, gaadhnimada, Is-mashquulinta, ku tiirsanaanta dareen masuuliyadeed dadka ku hareeraysan,  dadkuna waxay muujiyaan qadarin, daacadnimo, lehna  ka-fiirsasho fikir-maskaxeed, firfircoon, meel fog-wax ka arka,  illaa iyo marka ugu danbaysa ay kaa quustaan, waxaana la odhan jiray waxay lee yihiin sharaf, adkeysi iyo aragti dhabta ah ee aduunka ka jirta,



waxa kale oo la odhan jiray  hamiga iyo riyooyinkuba way adkaadaan,  dumarka xoogsada dhaqaalahooda uma fiicna ayaa la odhan jiray, kibirka, sharafka hawada, damaca awooda, aqoonsiga, dhaqaalaha awooda , umana fiicna inay dadku kala qaato xoriyada, waxaanu u janjeedhaa dhinaca  fulinta jagooyinka, maamulka, jagooyinka dadweynaha, ururada iyo hawlaha ganacsiga .



waxa intaas sii dheer oo loo eegi jiray godka habeenkaa dayaxu  fadhiyey, waxaana la odhan jiray;-  Haddii habeenkaas dayuxu joogo Burjiga Naariya, waxaa la odhan jiray waxa dhaca shido badna, dagaalo badan, cuduro iyo dabaylo badan, dhimasho badan madax iyo majo, uurayda oo daasha Cadceed kulayl awgeed, Juuc gaajo badan, shisheeyaha oo soo bata iyo madax-wareer soo bata, diraa-diraalaha iyo socdaalka, haddii habeenkaas dayaxu joogo Burji Arliya ah, qabow iyo kulayl abaar iyo barwaaqo midna lagama sheegi jirin, haddii habeenkaas curashada sannadka cusub uu joogo dayaxu Burji Hawaa’i ah, waxa la odhan jiray dabaylaha oo bata iyo shimbiraha, Ayaxa oo soo bata, awoodda salaadiinta, ganacsiga kalluunka oo yaraada.

Haddii uu dayaxu joogo Burji maa’I ah, waxay xeel-dheerayaashu hore ku sheegi jireen, sannad aad loogu aayo oo nimco iyo barako badan, shaqaalaha, ganacsatada u fiican.



Habeenka curashada Sannadka  cusub ee 2015 dayaxu wuxuu fadhiyey burjiga lamaanaha ee hawaa’iga ah, - dayax tobnaad waa la sharaynsan jiray waxaana la fili jiray dayax madoobaad, waxa la filan jiray  inay maalmahani leeyihiin shucuur isbedel dhakhso ah oo ku yimaada qalbiyada dadka, dabacsanaan,  iyo koradhka Xawaaraha fikirka waxa kaloo la arki jiray dabaylo, duufaano, daadad , shimbiraha, iyo Ayaxa oo  bata, awoodda salaadiinta, ganacsiga kalluunka oo yaraada.



dadka habeenkaa dhasha waxa la odhan jiray waa dad bulshaawi ah oo hadalka jecel, kuna mashquulsan mustaqbalkooda iyo  fikradaha cusub, had iyo jeerna leh  degdeg badan oo xamaasadi ku jirto, oo ka walaaca  hawadooda iyo doorashadoodana, umana qaalibna shuraakaddu,  waa kuwo loo arko aamin iyo daacadnimo, in kastoo intooda badani ay yihiin kuwo daacada,



Waxaanay noqdaan : macalimiin, Iibinta, Qoraalada soo bandhiga oo Been-abuura, sii hayaha xilka, Horumarinta  alaabooyinku,  Saxaafadda , war-baahinta, Raadiyaha  iwm.



Burjigan lamaanaha  ee hawaaiga ahi waxa loo eegaa wejiyo badan, dhinaca, madadaalada, xiisaha, dhiirrigelin, sinaanta ,waana mid u wanaagsan guurka, ka warhaynta baahida qoyska  iyo inuu leeyahay saaxiibo badan oo heegan iyo feejignaan ugu jiraan.



Sannadkan Cusub waxa loo eegi jiray dhinaca hawlaha, Fikirka, bogsashada,  iska warqabid, dhabar-adayg, helida fursaddaha, doorasho miyir qabta  iyo Salaadda, lagana yaabee in la dareemo  nabad iyo deganaansho,  waxa kale oo lagu sheegi jiray waxoogaa inay adkaato arrimaha  dibaddu,  isgaadhsiinta oo horumar laga gaadho,  la arkee inay si fudud hoos ku yimaado nidaamka fikirka iyo mowjado tamarta  ee dhulka , waxaana loo baahan yahay in la dedejinta xawliga isgaadhsiinta.



Waxa sidoo kale adkaan doonta iska caabinta xagjirka  haddaladooda iyo fikirkooda, oo ku raadiya hab aan  macquul ahayn inay ugu tartamaan awooda sare, iyo in la dareemo  fikrado cusub  taasoo ay  sabab u tahay macluumaadka  horumarka qalabka casriga ee aduunku gaadhay.



waxa kale oo la filan jiray qas iyo duufaano lama filaan ah, daadad  baabiiya  khayraadka qaaliga ah,  xilliyada qorax madoobaaku  uu dhaco, haddaba si loogaga diyaar garoobo  waa in laga sii fikiraa  habkii iyo farsamadii  lagu maareyn lahaa, wakhtiyadan waxa haboon in la sameeyo  jimicsi, iyo in la kobciyo midhaha cuntada tamarta ee ka soo baxa dhulka,  sida;- Lawska, midhaha la miiro, khudaarta, iyo in la cabo biyo saafi ah.



Nayruuska Sannadkani wuxuu ku curtay maalin khamiisaad oo naari ah, waana maalinta shanaad, waxaana la odhan jiray maalin khamiisaad waxay leedahay  u fiican tahay nasiibka, korodhka, safarka masaafada dheer leh, waxa kale oo bata wararka la isla dhex-maro, naxariistuna way badataa.



Sannadka waxa la filan jiray  soo noolaanshaha heerka maaraynta macluumaadka,  koradhka qalabka farsamooyinka casriga ah, Aaladaha loo isticmaalo kaydinta, qoraalada,  isgaadhsiinta gacanta, iyo in la arko dawooyinka dadka fooljari ah, arrinkan waxa lagaga hortagi karaa horumarinta wacyigalinta  bulshada, iyo in la siiyo fursad lagu dhagaysto oo lagu maqlo codkooda.



Sanadkani wuxuu  leeyahay Laba Jid;-  ka hore wuxuu ahmiyad weyn u leeyahay aadamaha, waana  horumar wadareed iyo isbedel wanaagsan oo horseed u noqon kara dhabada dajinta, deeqsinimada, nabad, wada noolaansho.



Jidka labaad; - Wuxuu  leeyahay qof jeclaysi,  jirrabaadka, bakhaylnimo, helitaan- dhaqaale, tartan, iyo gardarada, Inta badan waxa la arki jiray ciidan hoose, diidmo lagana yaabee inay ka abuuranto cudur ay kaga  faa'iidaysanayaan  isbedelka deg deg ah.



Haddaan la xoojin go’aanadii hore loo gaadhay,  waxa dhici jiray inay mudo dheer ay ku qaadato Dajinta nabada gudaha iyo wada noolaanshuhu,  Sidaas darteed dhaqdhaqaaqa loolka labada jiho ka toggan iyo  ka Taban ee  sannadkan waxa haboon in laga cabsado fikradaha xooga badan ee dhinaca salaada, akhlaaqda, falalka, go’aanada  iyo in aanay noqon doorashooyin kuwo kala duwan,  laakiinse la qeexo  ahmiyadda dhaqdhaqaaqa mustaqbalka, lana dadajiyo wada- fadhiga, aamusnaanta inta ka horeysa ka fikirka doorasho muhiim ah, dhageysiga hanuunka gudaha iyo dibada,  habka mabda nafta iyo isticmaalida maskax miyir qaba in lagu gaadho.



sannadkan uma fiican ku xidhnaanshaha Hay’adaha Dibadu  (amniyaatku) inkastoo la fili jiray inay wax u hagaagaan kuwa ka shaqeeyaa  (sida bangiyada, shirkadaha caymiska, iyo dawladaha)  Waxaana  muhiim ah in la muujiyo  cadaalad,  sinaanta bulshada,  la arkee shaqsiyaad xoog  wax ku doonaya  iyo in ay yaraan doonto  Illaha  dhaqaalaha dibadda oo ay kordhi doonto khayraadka gudaha.



Waxa haboon wakhtiga soo socda in loo fiirsado dadka tukada  intooda badan hadday suuro gal tahay  in loo sheego, afkaar wanaagsan iyo inay salaadu bogsiiso dhamaan qalbiyada buka ee  dadka, lagan hello  tamar  togan iyo hanuunka nafta,



Sannadkani  waxa kale oo loo nisbeeyaa  inuu leeyahay abuurid safar loo dhaqaaqay  horumar wadareed  oo loo dhan yahay  dhinaca dowlada,  taasina waxay sahli doonto iswaafajinta safarka iyo guurka.



Ha loo duceeyo xasiloonida degenaanshaha dibada,  lagana yaabee in la arko jawi deggan oo gudaha ah iyo bilowga horumar wanaagsan oo midho dhala, Runtana Allaa Og.



Dhinaca saadaasha  waxa  gun dhig u ah kala fadhiga meerayaasha  uu ku curtay Sannadkan cusub ee 2015.



Meeraha  Jilboole   wuxuu  fadhiyaa sannadkan burjiga 10-aad  oo arliya ah,waxaana ugu danbeysay burjigan   29 bishii 11-aad  sannadkii 1982,  illaa iyo 17-kii bishii 11-aad, 1985-kii,  waxaanu mar kale uu ku hakan doonaa burjigan bisha 11-aad  ee sannadka 2041. Hadduu Alle yidhaa.



wuxuu dareensan yahay baa la odhan jiray oo uu doonayaa  inuu ka nasan doono caqabadihii adkaa ee ka  horyimid labadii sannadood ee la soo dhaafa, waxaanu fursad u heli doonaa  oo uu ku hawlan yahay inuu saxo xidhiidhka qorshihiisa shaqo, ka dibna wuxuu u gali doonaa safar  halkaas oo uu ku nagaan doono  burjiga scorpion ee maa’iga ah iyo burjiga naariga ah bisha lixaad iyo sagaalaad ee sannadkan,  lagana yaabaa inay ka sii fiicnaanto  shaqadii la qabtay sadexdii sannadood ee la soo dhaafay, lana gaadho  ujeedo midho-dhala  ah iyo  taageero Toggan,  waxa kale oo uu  ka fikirayaa siduu kor ugu qaadi lahaa, wuxuu doonayo ee uu jecel yahay iyo inuu  talaabo ka qaadi doono  ujeeddada  dhameystirka aragti sare ee haddafka maskaxda qaranka.



Meeraha mercury, (Libdhe) ayey soomaalidu u taqaanaa, waana meeraha ugu dheerayaa meerayaasha  kaasoo sannad kasta ku soo wareegaa saddex illaa iyo afar jeer, waxaanu gali doonaa burji libra bisha siddeedaad iyo bisha Tobnaad ee sannadkan, ujeedadda  dhaqaaqa garabaha cagihiisa  ee  labada bilood ee sannadkan,  wuxuu ku hawlan yahay, ganacsiga, , socdaalka,  ka fikirka nidaamka, dib u cusboonaysiinta,  si kastaba ha ahaatee, wuxuu ka fikirayaa inuu sameeyo dariiq cusub  isagoo hoos u dhigaya wax kastoo uu  qabanayo,  ka dib markay u buuxsanto  tamartu, waxaanu  taageero cad oo buuxda siin doonaa kuwii xidhiidhka dhow  uu la’lahaa  wakhtiyaadkii la soo dhaafay,  waxa kale oo uu dib  u xalin doono  is fahamla’aantii jirtay,  socdaalkiisa ka dib wuxuu ku hakan doonaa burji naariya ee  miisaanka waana burjiga dublamaasiyadda, waxaanu diirada ku haya waxyaabo badan oo muhiima, bisha sagaalaad iyo bisha tobnaad ee sannadkan.



ka dibna waxay kulmi doonaan  Meeraha Mars  bisha 11-aad ee sannadkan iyo bisha kowaad ee sannadka  2016,  waxaanu ka caawin doonaa, oo uu siinayaa  maskax-cusub oo lagu gaadho nabad iyo wada noolaansho, Meeraha Mars oo galid doonaa burji maa’iya ee casaanyada, waxa la filan jiray dayax madoobaad.



Meeraha mushtar waana meeraha mas'uul ka ah safarka, maskax furnaanta, balaadhinta heerarka waxbarasho, waana meeraha  nasiib wanaagsan waxaana loo tiriyaa dhinaca, wacyigalinta caalamiga ah, hindise fikradeed, luqaddaha, dhaqanka, siyaasadda, sharciyada, diimaha, warbaahinta, iwm, Meerahani  wuxuu ku jiraa  burji  Asad  isagoo kusii jeeda  burjiga Dabooje  bisha sideedaad ee sannadkan illaa iyo bisha sideedaad ee sannadka 2016,  waxa la odhan jiray,  waxay  saameyn ku leedahay adkaanta gudashad tayada awooda shaqo, Isku haleyn, Toosnaanta, Qiimeynta dadka kale,  Tayada  awooda caafimaadka iyo sidoo kale awooda saaridoono  in la cadeeyo baahiyaha jira sannadkan 2015.



Meeraha Mushatar  iyo Meeraha Mariikh  waxay ku kulmi doonaan burji Asad  bisha Sideedaad ee sannadkan,  kulkaas waxay kawada shaqeyn doonaan sideeda bilood ee soo socotaa shaqo adag, oo ku dhamaata dhameystir wanaagsan iyo inuu taageero u fidin doono dadka ku xeeran.



Meeraha Mushtar  iyo Meeraha  ilimaqabatiga  kulan kooda  bisha 11-aad ee e sannadkan iyo bisha shanaad ee 2017,   waxay soo bandhigi doonaan  fursado lagu abuuro wax badan.    



Meeraha Raage  oo fadhiya  burji  Naari ah ee fushade  wuxuu  ka faa’ideysanayaa xawaaraha dardar galinta isbedel doonka iyo inuu sameynayo isbedelka kacdoon oo qoto dheer, Meeraha Pluto oo isna u socdaali doona burjiga Orgiga  bisha saddexaad ee sannadkan, waxa la odhan jiray,  wuxuu inagu xujaynayaa in hab cusub loo maro xalinta,  dayactirka, iyo hirgalinteedaba iyo inuu aaminsan yahay in xidhiidhka dabacsan ww  dublamaasiyadeed ay  abuurto nabada iyo wada noolaanshaha, in kastoo ay caqabad  kala kulanto madax adaygii soo jiitamaayey illaa iyo badhtamihii 2012,  taasina waxa loo aanayn jiray  sadexda bilood ee sannadkan, labda Meere ee  Raage iyo  Pluto, laga yaabee inay abuuranto  wax-hore oo tagay oo aan loobab baahnayn, waxaana haboon in arrimahaas  jiho cusub loogaga diyaar garoobo, waana muhiim  xalintoodu,  inkastoo meeraha Jupiter iyo  Uranus ee bisha lixaad uu ka caawinayo tijaabada  nidaamka  xidhiidhka dhaqanka iyo in dib u habeynta dheelitirka wada-noolaanshaha laguna gaadho xal-cusub oo nabad ah.



Meeraha Neptune wuxuu u socdaali doonaa burjiga kaluunka illaa iyo 2026. wuxuu fursad u heli doonaa si daacadnimo ah inuu u fahmo khibrada aadamaha isagoo u haya maskax iyo qalbi furan, Sida;-  Hobolada, salaadiinta, dhexdhexaadiyayaasha, xirfadlayaasha, ama si dhib yar uu u xaliyo  ceeryaanta iyo muragada isku shareertay cirka.



Meeraha Mariikh oo gali doona burjiga kaluunka bisha koowaad iyo labaad  ee sannadkan,   waxa la filan jiray inay leeyihiin dhameystirka  mashaariicda.



 



Dr. Maxamed Faarax Qoti



Astrologist