Saturday, December 13, 2014

Xubno ka mid ah Guddida horumarinta Hoodaale oo looga digay faro-gelin siyaasaddeed

Shirguddoonka shirkii Agabar ee (Hoodaale) oo u digay xubno ka mid ah Guddiga Horumarinta Beesha faragalin siyaasadeed oo ay ku hayaan hawlaha Guddiga

guddoonkaHargeysa(GNA) Shirguddoonka shirweynihii Beesha Sacad Muuse ee Agabar (Hoodaale) ee 22/9/2013-26/9/2013 ayaa soo saaray caawa war-saxaafadeed ay kaga hadlayaan khilaaf ay koox ka tirsan Guddigu ku waxyeelaynayaan hawlaha Guddiga, iyagoo ku Eedeeyey inay doonayaan inay uga faa’iidaystaan arrimo siyaasadeed oo ka baxsan hawshii loo Igmaday.
Chief Caaqil C/raxmaan Xasan Xoore oo ahaa Guddoomiye ku-xigeenkii shirkii Beelaha Sacad Muuse ee Hoodaale iyo Siciid Muuse Cabdi (Bustaale), oo ahaa Xoghayihii shirweynahii Agabar ayaa War-saxaafadeed ay si wadajir ah usoo saarin kaga digay walaaca ka iman kara in koox ka mid ah Guddigu si gaar ah ugu tagrifasho awood aanay lahayn, waxaanay warbaahinta soo gaadhsiiyeen qoddobadan hoosta ku xusan oo ay ku caddaynayaan ujeedada loo aasaasay guddigaas iyo sidii ay Beeshu shirkii Agabar uga mamnuucday in ay arrimo siyaasadeed saamayn ku yeeshaan, waxaanu u dhignaayeen sidan:-


  1. Shirweynahaasi wuxuu ahaa mid Dhaqan oo lagaga hadlaayay danaha guud ee Beesha wax siyaasad ah oo lagu soo qaadayna ma jirin

  2. Shirweynahaa waxa lagu soo doortay guddida Horumarinta ee Beesha Sacad Muuse oo ka kooban (25) xubnood, loona soo igmaday inay ka shaqeeyaan Horumarinta Beesha, iyagoo ka duulaya baahiyaha waxa ka qabashada u baahan ee ay soo jeediyeen ergooyinka shirweynaha ka hadlay iyo Qoddobadii ka soo baxay Shirweynaha.

  3. Baryahan danbe, waxa soo if-baxay in Guddigii Horumarinta Beesha Sacad Muuse loo igmaday ay ku mashquuleen muran Siyaasadeed u dhaxeeya siyaasiyiin beesha ka soo jeeda oo la sheego inay isku hayaan Musharaxa Madaxweyne ee Xisbiga Kulmiye ka tartami doona, iyadoo ay jirto in siyaasiyiintaasi ay caddeeyeen in Musharaxa u taagan Madaxtinimada Xisbiga Kulmiye shanta sano ee soo socda uu yahay Madaxweynaha hada xilka haya Mudane Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo. Haddii ay sidaa tahay waxa la yaab leh waxa la isku hayo.
    Hadaba waxaanu u soo jeedinaynaa Guddiga Horumarinta Beesha Sacad Muuse

  4. In hawlaha siyaasadda ee ay dhex galeen ay Curyaamin doonto hawshii loo igmaday ee Horumarinta ee Beesha oo ay meel fiican marinayaan.

  5. In muranka Siyaasiga ah ee u dhaxeeya siyaasiyiinta Beesha Sacad Muuse ee la xidhiidha Musharaxa Madaxweynaha, aanay u Oolin xallintiisu Guddida Horumarinta Beesha, ee ay u taalo Golaha Dhexe xisbiga Kulmiye, xulashada cidda ay ka dhigayaan musharaxa Madaxweynaha Xisbigooda ka tartamaya.

  6. In ay guddiga Horumarinta Beesha Sacad Muuse ay ku matali karaan Beeshuna ku midaysantahay arrimaha Horumarinta ee loo igmaday. Guddiga Horumarinta waxa la gudboon inay ka fiirsadaan faragalinta Arrimaha Xisbiyada iyo siyaasada kuwaa oo ku keeni kara Beesha Khilaaf.



Wa bilaahi Tawfiiq”

Gobanimonews

Hargeysa Office