Hargeysa(GNA)- Madaxweyne Siilaanyo ayaa mar kale madaxtooyada ka soo baxay xilli habeen ah, waxaanu booqday goobo mucayim ah.“Madaxweynaha JSL Md Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo ayaa caawa si shaqsi ahaaneed u booqday qaybo ka tirsan Caasimadda isla markaana suuqyada kulamo la yeeshay dadka muwaadiniinta ah.”sidaas wax lagu sheegay War lagu baahiyay Wakaallada wararka ee dawladda.
Warku wuxuu intaas ku daray “Madaxweynaha JSL oo caadiyan sameeya socdaalada noocan ah ayaa waxa ujeedadiisu tahay sidii uu u xog waraysan lahaa bulshada Somaliland, sida ganacsatada oo uu meherahooda ugu tago iyo dadweynaha caamka ahba.
Socdaalkiisa caawa ayaa Madaxweynahu waxa uu ku gaadhay goobaha ay dadweynuhu isugu yimaadaan oo uu ka mid yahay Hotel Summer-Time, Garoonka Kubadda cagta ee Turkiga oo dhalinyaradii ku ciyaaraysay si weyn u soo dhoweeyeen iyo goobo kale oo ka mid ah suuqyada caasimadda, iyadoo meel kasta oo uu tagana ay Dadweynuhu farxad ku qaabilayeen.”
Todobaadkii hore badhtamihiisii ayay ahayd markii Madaxweynuhu goor habeennimo ah uu booqasho ku tagay xarunta Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta sare, waxaana la socday ku-xigeenkiisa iyo dhowr xubnood oo ay ka mid yihiin Marwadiisa iyo wasiirka tacliintu.
Dhaqdhaqaaqyada noocan ee uu sameeyo Madaxweynuhu ayaa ah kuwo aan micno badan bulshada u samayn intan dambe, maxaa yeelay waxaa lagu tilmaamaa minjo baxsi iyo tamashle aan murti badan ku fadhiyin.