Saturday, December 13, 2014

Waran-cadde: Somaliland waxay ka mid tahay Federaalka Soomaaliya”Daawo

Madaxweyne Siilaanyo ha casillo wasiirkiisii arrimaha gudaha, hadii kale wuu ku raacsanyahay Khiyaamada Qaran Dumis-nimadda ah..

warancadeHargeysa(GNA)-Muuqaal dhawaan lagu baahiyay Chanelka YouTube-ka, ayaa Wasiirka Arrimaha gudaha ee Xukuumadda Siilaanyo si toos ah oo aan gabasho ku jirin meesha uga saaray gooni-isutaaga Somaliland, isagoo sheegay inay hoos-tagto Dawladda Federaalka Soomaaliya.

Halkan ka Daawo:



Muuqaalkan oo sida muuqata Wasiir Waran-vadde laga duubay intii uu Mucaaridka ahaa ee aan loo magacaabin Wasaaradda uu madaxda ka yahay , ayaa waxa Jawaab ka bixiyay Madaxweyne Siilaanyo oo si cadho ka muuqato u daadifeeyay hadalka ka soo yeedhay.

siilanyo deraHalkan ka Daawo:



Haddaba hadalkan Wasiir Warancadde ka soo yeedhay, ayey haatan warbaahinta Caalamku u isticmaalaysaa isbedel ku yimi qadiyadda Somaliland, waxaanay wakaalladaha wararka ee Caalamku arrintan ku sifeeyeen talaabo dawladda Muqdisho aad u soo dhaweysay.

Wasiirkan oo ka mid ah Ashkhaastii ka soo jeeday Somaliland ee xilalka ka hayay dawladdii Siyaad Barre markii ay Dadka reer Somaliland halganka kala soo horjeedeen, isla markaana lagu tilmaamo dadkii ugu dambeeyay mabda’a Soomaaliya ee nidaamkii Milateriga ahaa ee Maxamed Siyaad Barre, ayaa Axmed Siilaanyo Xilkan u magacaabay sanad ka hor.

Mugdi kuma jiro inuu aaminsanyahay Mabda’an uu Warbaahinta ka caddeeyay, isla markaana aannu muddo kooban kaddib noqon Cali Waran-cadde cusub oo fikirka Somaliland hada qaatay, waxaanay taasi muujinaysaa in Shacbiga Somaliland xil loogu dhiibay Nin aaminsan Soomaaliweyn, kaasoo ay dhici karto in Madaxweynaha magacaabay uu la fikiryahay.

Haddii aanu Madaxweyne Siilaanyo aaminsanayn inay Somaliland tahay Maamul-goboleed hoos-taga Dawladda Federaalka ah xil umuu Magacaabeen Cali Waran-cadde. Hase ahaatee waxa isweydiin mudan mowqifka ay ka qaadan doonaan khiyaamadan Madaxda Xukuumadda Shacbiga Somaliland iyo hadhaaga dadkii dalka u soo halgamay.

Waxa dhici karta in Kacdoon ka dhan ah Wasiirka Arrimaha guduhu uu dalka ka dhaco, hadii ay Muwaadiniinta reer Somaliland ka dhabtahay qadiyada gooni-isu-taaga ee 23 sanno jirsatay.

Waxa kale oo xusid mudan in dhawaaqyada noocan ahi qayb ka yihiin waxyaabaha Shakiga kala dhex dhigay Mujtamaca Somaliland, siiba Kacdoonka qadiyad –diidka ah ee ka aloosan Gobolka Awdal iyo dareennada kale ee Gobollada dhexe yaalla.

“marka Siyaasiyiinta xilalka hayaa fikirkan aaminsanyihiin maxaa loo khasbayaa Beelaha Darafyada ee ka soo hor-jeeda madaxbanaanida Somaliland”sidaasi waxa Gobanimonews u sheegay Aqoonyahan ka faallooda arrimaha Siyaasadda Gobolka oo magaciisa inaanu soo xigano ka cudur daartay.

Si kastaba ha ahaatee Waran cadde iyo Siilaanyo umadda ha u caddeeyeen inay ku wada socdaan dafiraada madaxbanaanida Somaliland...