Monday, December 22, 2014

Siilaanyo iyo Xasan Sheikh, kee libin kala hulleelay Djibouti?Warbixin + xog

Kulaylkii Weedhaha + kala-kicii Wufuudda +Kambal-wareegii Geelle ee Gurmadka, Kashifaadda Xasan Sheikh  iyo Kudladaha qarsoon xogihii kulanka...



Xasan Sheikh "Sanadka soo socda waxaan rejaynayaa in horumar laga gaadhi doono midnimada Soomaaliya"
 



 



xasan iy silanJabuuti(GNA)-Wada-hadalada Somaliland iyo Soomaaliya, ayaa markii ugu horeysay Taariikhda mudadii ay socdeen waxa lagu soo geba-gebeeyay jewi kulansaday taxadir, ad-adayg, difaac iyo Weerar intaba, geesta kalena waxa aakhirataankii lagu kala dhaqaaqay darreen shaki leh, daymaduna tahay mid jeedaalada il-qoodhka la isku xadayo, kadib xiisad Madasha ku abuurtay Sas iyo firka-nax, kana dhashay doodo iyo hadalo mutaxan oo isugu jiray weerar iyo weerar celin, taasoo sababtay inuu hal-haleel Madasha ku yimaado Madaxweynihii martida loo ahaa ee Jamhuuriyadda Jabuuti Md. Ismaaciil Cumar Geelle, si uu xasilooni xaalada ugu soo dabaalo.



Shirka Wada-hadalka oo socday ilaa gelinkii dambe Sabtida, ayaa waxa guntii iyo gebo-gebadii Barqadii Shalay labada Madaxweyne qallinka ku duugeen heshiis farsamo oo ka kooban Lix qoddob, kaasoo lagu soo saaray war-murtiyeed ay dhinacyadu si wada jir ah u soo saareen.



War-murtiyeedka ka soo baxay Shirkan oo ka kooban Lix qodob, ayaa waxa ugu muhiimsan qodob dhigaya in lagu dhiirado kulamada dambe sidii looga wada hadli lahaa arrimaha khuseeya Masaa’irka Siyaasiga ah ee aadka loogu kala duwanyaahy.



Waxaanu u dhignaa sidan:-



1-In la dar dar galiyo wadahadalada labada dhinac, isla markaana wakhti lagu jaangooyo



2-Labada dhinac waxay ku heshiiyeen in arrimaha siyaasadda ee masiiriga ah lagu dhiirado, lana fuliyo waxyaabihii hore loogu heshiiyey.



a)      In laga dhawrsado wixii wadahadalada carqalad gelin kara.



b)     In aan la siyaasadayn deeqaha aadminimada iyo mashariicda dib u dhiska walibana la dhiirigaliyo



c)      In la fuliyo heshiiskii hawada iyada oo farsamo lagu saleynayo wixii lagu heshiiyey.



3.  Labada dhinac waxay isla garteen in dawladda Djabuuti laga qeyb geliyo wadahadalada marka loo baahdo.



4. Labada dhinac waxay ku heshiiyeen ilaalinta xuquuqal insaanka, iskaashiga nabadgelyada iyo in meel looga soo wada jeesto la dagaalanka arga-gixisada, nudhcad-badeedka iyo dembiyada abaabulan (otganized Crime).



5. In madasha tan ku xigta ee ay ku kulmayaan ergooyinka labada dhinac ee Somaliya iyo Somaliland ay noqoto 26-27 Febraayo ee 2015, laguna qabto magaaladda Istanbul ee dalka Turkiga.



6. Waxay labada Madaxweyne ee Somaliya iyo Somaliland ay u mahadcelinayaan Madaxweynaha Jamhuuriyadda Djabuuti Ismaaciil Cumar Geelle, oo martigeliye wadahadalkan, ka dib markii ay labada dhinac sidaa ka codsadeen.



Wasiirka Arrimaha dibada iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Somaliland oo Warbaahinta la hadlay, ayaa si kooban u dul-istaagay muhiimadda qodobkani leeyahay “waxyaabaha  muhiimka ah ee aan isleenahay way ka soo baxeen shirkan in lagu dhiirado oo laga wada hadlo arrimaha qadiyada” ayuu yidhi Maxamed Biixi Yoonis.



Dhinaca Madaxweyne Soomaaliya Xasan Sheikh Maxamuud oo ka hadlay arrintan ka soo baxday Shirka, ayaa sheegay in wada-hadalada labada dhan u socda midnimo lagu gaadhi doono sanadka soo socda, "in shirkii Istanbul ka socday la sii wado ayaa lagu balamay, waxaanan rajeynaaya in sanadka soo socda horumar badan gaadhi doono dalku, oo waliba horumar badan laga samayn doono xagga midnimada"ayuu yidhi.



Hadalkan Xasan Sheikh ayaa u muuqda mid dhabar jabin ku ah Madaxweyne Siilaanyo iyo weftigiisa, waxaanu dhaawacayaa mid ka mid ah qodobadii lagu heshiiyey.



Macluumaad iyo xoggo dheeraad ah



Ma jiro faah-faahin dheeraad ah oo ka baxsan war-murtiyeedka laba geesoodka lagu saxeexay, oo wufuuda labada dhinac ka bixiyeen muwaaqiftooda iyo haddii ay jireen waxyaabo ay isku mari-waayeen intii kulamadu socdeen, wallow madaxweyne Siilaanyo iyo Wasiirkiisa arrimaha dibada oo natiijada kulanka ka hadlay si guud u soo dhaweeyeen heshiiska dhex maray weftiga Xasan Sheikh.



Hase-yeeshee, warar iyo xoggo kooban oo laga helay Diblomaasiyiin Mandaqada ku sugan, ayaa fasiraado iska soo horjeeda ka bixiyey qoddobada sartu-ka-qudhuntay jewigana ciirada ku kiciyey iyo hadalo ka-kan oo Miiska dushiisa laysku dhaafsaday, tusaale ahaan, xoggaha qaarkood ayaa lagu sheegay in arimaha uu muranku ka dhashay ay ahaayeen soo jeedimo ka yimi dhanka wufuuda Somaliland, kuwaasoo nuxurkoodu ahaa in kulamada dambe ee labada geesood isku soo horfadhiisan doonaan ay goob-joog ka noqdaan wadamo aan la cara-baabi’ kuwa yihiin, hase-ahaatee sida xogguhu tibaaxeen soo jeedinta arinkan waxa si weyn uga cadhooday Madaxweyne Xasan-ka Soomaaliya iyo xubnihii kalee weftigiisa ku jirey, waxaana wararka dhinacaa laga helayaa intaa ku dareen in Madaxweyne Xasan Sheekh arinkaas jawaab-celintii uu ka bixiyey, isaguna uu markiisa kaga cadhaysiiyey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Axmed Siilaanyo iyo weftigii la socday, kadib markii sida la sheegay uu ku dooday in aan waxba ka jirin sheegashada gooni-isutaaga  Jamhuuriyadda Somaliland, ee ka madaxbannaan-shiyaha Soomaaliya inteeda kale, iyo sidoo kale hadalo goos-goos ah oo ay kamid yihiin in aan shacabka Been loo sheegin. Waa shacbiga Somaliland-de.



Geesta kale, warar kaloo amuurtan la xidhiidhaya, ayaa sheegay aragti taa ka gedisan, isla markaana arimaha saldhiga muranka u ahaa ku micneeyay mid taa ka duwan, ahna soo jeedinta weftiga Somaliland ee la xidhiidhey in dawlada Jamhuuriyadda Jabuuti goob-joog ka noqoto kulamada dambe ee lagu wado inay labada geesood yeeshaan Bisha 2-aad, 2015-ka ee fooda inagu soo haya,sida uu dhigayo qodobada heshiiska la wada gaadhay, hase-yeeshee markii dambe goob-joognimada  Jabuuti ee shirarka Somaliland iyo Soomaaliya, laga dhigay mid ku xidhan haddii loo baahdo.



Wararka amuurtan la xidhiidhaa waxay iftiiminayaan, intii murranadaasi socdeen xaaladda madashu ahayd dhaqaaq-joogsi, iyadoo xilli hadh-sookorkii ahayd weftiga Madaxweyne Siilaanyo mar ku sigteen inay baqoolle kaga soo ambo-baxaan Djibouti, kaddib markii xaalku tag-taag galay.



Geesta kale, may jirin Wufuud caalami ah ama dhexdhexaadiyeyaal goob-joogeyaal ka aaha  kulankan, kuwaasoo isu dhegeystay dooddaha labada dhinac, taasoo ah arrinta miisaan ahaan shiiqisay qadiyada looga hadlay shirkan.



Sida ay tilmaamayaan ilo-wareedyada diblomaasiyadeed ee shirkan ka soo baxay, kuma koobnayn arrimaha looga hadlay, waxyaabaha khuseeya xidhiidhka siyaasadda, bina-aadanimada iyo nabad-gelyada, hase ahaatee waxa waxa qodobo dhanka dhaqaalaha ku saabsan oo ay labada dhinac, dhanka Somaliland aad ugu boholyowday inay ogolaanshiyo uga hesho Dawladda Xasan Sheikh. Diblomaasiyiinta shirkan ku dhadhow waxay caddeeyeen in heshiisyada shidaal baadhista Somaliland qayb ka tahay qodobada lays-kula soo qaaday kulanka, laakiinse si cad looma qeexin ilaa heerka laga dooday mowduca ku saabsan baadhista Shidaalka oo ay Somaliland sharaa’iga badan heshiisyada ay la gashay wali caqabaddo sharci iyo kuwo nabad-gelyo u dabranyihiin.



Dhinaca kale, wararka naga soo gaadhay Magaalada Jabuuti, ayaa sheegaya in Madaxweynaha Federaalka Soomaaliya Md. Xasan Sheekh Maxamuud iyo weftigii la socday Magaalada Jabuuti ka ambabaxaan Gelinkii dambe ee Shalay, halka weftiga Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Md. Axmed Siilaanyo iyo wufuudii la soctey, iyaguna ay maanta oo Isniinta kasoo dhoofeen  halkaasi, kuna soo laabteen Magaalada Hargeysa.



Si kastaba ha ahaatee kulankan labada maalmood qaatay oo bulsahda soomaalida uga  xaasaasisanaa kuwii hore loogu qabtay dalalka Turkiga iyo Ingiriiska, ayaa waxa si weyn diirada ugu hayay inta badan mujtamaca ay kala metelayeen labada dhinac ee khuseeyay, kuwaasoo marka si guud loo eego aragtiyo aan kala fogayn ka bixinaya natiijada ka soo baxday iyo waxyaabaha hoose ee la tuhunsanyahay in laga wada hadlay.



Waxaana marka dhinaca Somaliland la joogo, aad ugu dhegtaagayay dhawaaqyada ka soo yeedhaya dhanka Djibouti ee la xidhiidha shirkaasi, asxaabta Mucaaridka ah iyo daneyayaasha kale ee Siyaasada, kuwaasoo dooddohooda ay soo qadimayaan ku dalbanaya in shacbiga loo soo bandhigo waxyaabaha rasmiga ah ee looga hadlay Shirka.