Monday, December 22, 2014

Cirro, oo magaacabay xubno cusub oo ka mid noqondoona hogaanka xisbigiisa.

xilaal cusubHargeysa (GNA) – Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ee WADDANI Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) ayaa goor dhaweyd wareegto uu soo saaray ku magacaabay Xilal cusub, kuwo kalena Bedelay.

Wareegtadan oo uu nuqul ka mid ahi soo gaadhay xafiiska wararka ee Gobanimonews ayaa waxa ay u dhignayd sidan.
1. Md. Cali Cilmi Geelle waxa loo magacaabay inuu noqdo xubin ka mid ah hoggaanka xisbiga


  1. Md. Cali Axmed Cabdi (Cali cantar) waxaa loo magacaabay inuu noqdo xubin ka mid ah hoggaanka xisbiga

  2. Md. Maxamed Xasan Dirir, xoghayihi hore ee warfaafinta waxa loo beddeley inuu noqdo Xoghayaha gaarka ah ee gudoomiyaha xisbiga waddani.




4.Muj. Boobe Yuusuf Ducaale waxaa loo magacaabay inuu noqdo xoghayaha cusub ee warfaafinta.


  1. Dr. Xuseen Maxamuud Maxamed (Xuseen xoog) waxaa loo magacaabay xoghayaha caafimaadka xisbiga waddani


  • Md. Axmed Cabdilaahi Barre waxaa loo magacaabay inuu noqdo xoghayaha khayraadka dabiiciga ah.


  • Marwo Faadumo Sicid Ibraahim waxaa loo magacaabay inay noqoto la taliyaha arrimaha dibadda ee gudoomiyaha xisbiga waddani.


  • Md. Daa'uud Xuseen Jaamac (foodcadde) waxa loo magacaabay inuu noqdo ku xigeenka xoghayaha arrimaha gudaha xisbiga waddani.




  • 9 Md. Cabdirashiid Maxamed Adam (Jeeni) waxaa loo magacaabay inuu noqdo ku xigeenka xoghayaha warfaafinta xisbiga waddani.

    Mustafe Axmed(Herer)
    Gobanimonews.com
    Hargaysa/somaliland
    Herersax@gmail.com