Tuesday, December 9, 2014

Wel-welkii Weerarka Xukuumadda ee Dhagax-tuurka oo kordhay

“Madaxweyne ha noqon sida Robert Mugabe oo kale” Eng: Faysal C. Waraabe

faysal niHargeysa(GNA)-Guddoomiyaha Ucid oo Wel-wel ka muujiyay Hab-dhaqan fool xun oo xukuumaddu bilowday

Hargeysa(Yool)Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee UCID Eng Faysal Cali Waraabe ayaa wel-wel xooggan ka muujiyay hab-dhaqan ku cusub saaxada tartanka asxaabta dalka, kaasoo ah weerarkii ay Kooxda Dhalin-yarada ah ku qaadeen xaflada Xisbiga Waddani ku soo dhaweynayay Taageerayaasha cusub.

Guddoomiye Faysal Cali Waraabe oo shalay ka hadlayay Xaflad xisbigiisu ku qabsaday Magaalada Hargeysa, ayaa rabshadihii Xisbiga Waddani lagu eekeeyay Khamiistii la soo dhaafay ee Kooxda Dhalinyatada ahi fuliyeen, ku tilmaamay caado xun oo aan dhaqan iyo raad-toona ku lahayn Saaxada tartanka, waxaanu Guddoomiyuhu farta ku fiiqay in weerarkaasi ay ka dambeeyeen Dad ka ag-dhow Madaxweynaha oo ujeedo siyaasaddeed ka lahaa.

Eng. Faysal, ayaa Madaxweyne Siilaanyo kala taliyay inuu u dhaqmo sida Madaxweynaha Zimbabwe, Robert Mugabe oo uu tilmaamay inuu Asxaabta mucaaridka ah ee dalkiisa ula dhaqmo si qayrul sharci ah.

Waxaanu yidhi “Madaxweyne waxaanu doonaynaa inaad noqoto Nalson Mandela ee ma doonayno inaad noqoto Robet Mogabe” ayuu yidhi Eng. Faysal Cali Waraabe.

Waxaanu intaasi raaciyay “dadkan lagugu tilmaamayo ee la leeyahay waxay odhanayaan Asxaabta soo shiida, Caadadaa waxaa lagu yaqaanay oo kaliya Robet Mogabe oo la odhan jiray wuxuu yidhaa Mucaaradka soo garaaca”.

Guddoomiyaha ayaa isagoo hadalkiisa sii wata yidhi “inaga daa Caadadeena iyo dhaqankeena may ahayne.in dad la abaabulo ay Asxaabta iyo qofka hadlaya ay shiidaan hore looma arki jirin, markaa waa caado ku soo korodhay dalkeena, waa caado xun.”

Dhinaca kale, guddoomiyaba Xisbiga Ucid waxa uu madaxweyne Siilaanyo u soo jeediyay inaanu arrintan dhayalsan ee uu ka hadlo, islamarkaana baadhis ku sameeyo “Waxaanu leenahay Madaxweyne Arintaas ka hadal, waynu tartamaynaa maaha in dadka la tuurtuuro, anagana maalin dhawayd waa nala tuurtuuray laakiin, way noo naxariisteen anaga laakiin Waddani waa loo weheliyay oo umay naxariisan ee sixin bay u galeen baa la yidhi, waanuna ka tacsiyadaynaynaa Xisbigaa Mucaaradka ah fool xumadaas loo gaystay.waxaanu leenahay Caadadaas xun inaga joojiya walaalayaal” ayuu yidhi Faysal Cali Waraabe.

Hadalkan ka soo yeedhay Guddoomiyaha Xisbiga labaad ee Mucaaridka ah, ayaa daba socda dhacdo khamiistii la soo dhaafay Koox dhalinyaro ah oo sida la aaminsanyahay laga soo abaabulay dhinaca Xukuumaddu ku weerareen Xaflad Xisbiga Waddani ku qabsaday hudheelka Crown.

Weerarkaasoo loo adeegsaday Dhax iyo walxo kale oo lagu shiiday dadkii Munaasibada ka qayb-galay markii ay soo dareereen, ayaa sababay Khasaare hanta iyo Nafba isugu jira, kaddib markii dhowr qof lagu dakh-dakhray halkaasi, isla markaana Gaadiidkii goobta yaallay qaarkood Muraayadaha laga jaajabiyay.

Inkasta oo ay xukuumaddu dhinac isaga leexisay inay wax lug ah ku lahayd dhacdadaasi, hadana masuuliyiin sar-sare oo xisbiga waddani ah iyo Mulkilaha Hudheelka Crown ayaa fawdadan ku xidhiidhiyey inay dawladdu ka dambeysay.

Waxaanu Mulkilaha Hudheelkaa Cismaan Cabdilaahi Cigaal uu dawladda ka dalbaday in dhacdadan baadhis rasmiya lagu sameeyo, isla markaana cidii lagu helo Sharciga la mariyo si aanay mar dambe u dhicin falkan oo kale.