Tuesday, December 9, 2014

Wasiir ku-xigeenka Caafimaadka oo Darawalka Gaadhigeeda iyo Askariga Ilaaliya la xidhay

nicoHargeysa(GNA)-Agaasimaha Guud ee Wasaarada Caafimaadka Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa gelinkii dambe ee shalay xabsiga u taxaabay Askari iyo Nin Darawal u ahaa Wasiir-ku-xigeenka Caafimaadka Nimco Xuseen Qawdhan.

Askariga la xidhay ayaa isna Ilaalo khaas ah u ahaa Wasiir ku-xigeenka .

Labada Nin oo ka tirsan Shaqaalaha Wasaaradda Caafimaadka la taxaabay kadib markii ay isku af-dhaafeen Lacag gunno ah oo Wasaaraddu ku kabi jirtey Mushahaarada shaqaalaha, sida ay goob-joogeyaal Gobanimonews u sheegeen.

Ma jiro War rasmi ah oo si dhab ah daboolka uga qaaday dhacdadaas, oo kasoo baxay Wasaarada Caafimaadka.

Hase-yeeshee ilo-wareedyo ku dhow-dhow Wasaarada Caafimaadka, ayaa Wargeyska u sheegay in Labada hawl-wadeen oo xalay markii noogu war dambeysay u hoyday Saldhiga dhexe ee Magaalada Hargeysa uu gedoodkoodu ka dhashay kadib markii laga reebay Lacag gunno ah oo ay hore u qaadan jireen, taasoo sida la sheegay laga saaray dadkii qaadan jiray.

Waxa kaloo wararku intaa ku dareen in is afdhaafka amuurtani dhalisay uu weheliyay isu hololsho dhinaca gacanta ah, wallow aan wararku xusin in gacan-ka-hadal goobtaas ka dhacay, warar goor sii horaysay laga helay dhacdaduna ay tibaaxeen in lays faro-saaray.

Maaha markii ugu horeysay ee ismaandhaaf dhinaca Maamulkan ku salaysani uu ka dhex qarxo masuuliyiinta sare ee Wasaarada, hase-ahaatee waa markii ugu horaysay ee Khilaaf ka dhashay tabashada shaqaaluhu uu gaadho heer gacan ka hadal iyo xadhig uu ka dhasho.