Tuesday, December 9, 2014

Somaliland oo si khiyaamo ah loogala wareegay Maamulka Hawada

Yaa u qoollan Maamulka Hawada Somaliland ee Xamar lagu wareejiyey?Warbixin

[caption id="attachment_93983" align="alignleft" width="300"]Wasiirka Arrimaha dibada somaliland Wasiirka Arrimaha dibada somaliland[/caption]

Hargeysa(GNA)-Wasiirka Arrimaha DIbada Somaliland Maxamed Biixi Yoonis, ayaa shalay Warbaahinta u sheegay inay wada-hadalada u dhexeeya Somaliland iyo Soomaaliya ay 15 Bisha January ee sanadka soo socda dib uga furmayaan Magaalada Stanbul ee Dalka Turkiga.

Wasiir Biixi ayaa hadalkan Magaalada Hargeysa kaga dhawaaqay , xilli uu heshiiskii u dambeeyay ee ay labada dhinac wada gaadheen uu bur-buray, kaddib markii ay Hay’adda Qaramada midoobay u qaabilsan Hawada iyo Duulimaadyada ee ICOA, Sabtidii ina dhaaftay Maamulka Hawada iyo Duulimaadyada Diyaaradaha ee Soomaliya oo ay Somaliland ku jirto ay si rasmiya ugu wareejiyay dawladda Xasan Sheikh Maxamuud ee Muqdisho.

Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay dhinaca Muqdisho oo la xidhiidha mowqifka dawladda Soomaaliya ka taagantahay wada-hadalada furmaya horaanta sanadka soo socda oo uu Wasiirka Khaarajiga Somaliland sheegay inay dawladda Turkigu labada dal isugu yeedhay si loo sii ambo qaadi lahaa, hase ahaatee sida ay tibaaxayaan ilo-wareedyo Diblomaasiyadeed oo Wargeyska Yool helay, wax qiimo ah uguma fadhiyaan dawladda Xasan Sheikh Maxamuud wada-hadaladaasi, taasoo bedelkeeda ay ku howlantahay sidii ay gacanta ugu dhigi lahayd dhamaan waxyaabaha ay Somaliland kula gor-gortami karto, sida arrintan maamulka Hawada iyo Duulimaadyada ee ay iminka la wareegtay iyo gelidda heshiisyada Caalamiga ah ee Baddaha iyo Berigaba khuseeya.

Geesta kale, Wasiirka Arrimaha Dibada Somaliland Maxamed Biixi Yoonis, ayaa sheegay in qodobada ugu muhiimsan ee lagaga wada hadlayo Shirka loo balansanyahay Bisha Janaury ay ugu weynyihiin dhamamaystirka Heshiiskii hore looga gaadhay Hawadda iyo Duulimaadyada waxa kale oo uu wasiirku xusay inay arrintaasi isku af-garteen Wasiirradii kala-qaybgalay Shirkii Gogol-xaadhka ahaa ee todobaadkii la soo dhaafay ay ku yeesheen dalka Turkiga wufuudda kala socda labada dal, Shirkaasoo isaga laftiisa aan qabsoomidiisa iyo baytal-qasiidka wixii ka soo baxay midna aan sawir buuxa laga haysan.

“ waxaanu Wasiirrada dawladda Soomaaliya ka socday wada ku go’aansanay in shirka wada hadalada ee 15 bisha janaury furmaya ay yimaadaan Wasiirrada Duulista iyo Hawada ee labada dhinac iyo Khubaradoodii berigii hore Turkiga tagtay oo ay ka wada hadlaan sidii loo dhamaystiri lahaa heshiiskii Hawada iyo Duulimaadyada laga gaadhay, annagoo Guddiyadii wada hadalkuna dhinacooda shir kale ku qabsano oo aanu ku xalinayno qadiyadan”sidaasi ayuu yidhi Wasiirku.

Wasiir Biixi ayaa isagoo hadalkiisa sii wata qiray inay Dawlad ahaan ku baraarugeen markii Warbaahinta laga baahiyay Wareejinta Maamulka hawada iyo Duulimaadyada Soomaliya oo ay Somaliland ku jirto, “aniga Laftaydu Telefishanka ayuunbaan ka arkay iyadoo uu Wasiirkii Soomaaliya iyo Xoghayihii ICOA ka hadlayaan Montreal , markaa wixii aanu ku wada hadalnay iyo waxa halkaa ka soo baxay (Wareejinta Maamulka Hawadu) wax isleh maaha. Iyaga wasiirradii ka socday xagoodu sheegeen inay arrintaas labada wasiir ee Duulistu ka wada hadlaan, iyadoo wada-hadaladuna ay halkoodii taaganyihiin”ayuu ku dooday Maxamed Biixi Yoonis.

Haddaba, sida muuqata hadalkan Wasiirka Khaarajigu waxa uu si toos ah u iftiiminayaa inuu qiraal ka bixinayo in la khiyaameeyay , isla markaana lagagala wareegay Maamulka Hawada dalka xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo ee uu ka tirsanyahay hab ka baxsan heshiiskii ay la galeen Dawladda Muqdisho. Sidaasoo ay tahay waxa hadana hadalkiisa laga dhadhansanayaa inay xukuumad ahaan wali ku dheganyihiin sii socoshada wada-xaajoodyada u socda Dawladda Koon-fur ee Khiyaamisay.

Waxaanay taasi Shacbiga Somaliland u muujinaysaa inaanay guud ahaan arrimahan socda bilow ilaa dhamaad daacad ka ahayn Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo, isla markaana ay qayb ka tahay qorsheyaal dahsoon oo lagu minjo-xaabinayo Qaranka Somaliland, kaasoo la doonayo in marba sida jeex loo duminayo aakhirka xaajadiisu ku soo gaba-gabowdo “I Liq oo ha I kala reebin”.

Hadiise aanay ujeedada iyo qastiga laga leeyahay wadahadaladu sidaasi ahayn, Dawladda Madaxweyne Axmed Siilaanyo waxa looga fadhiyaa inay go’aan kama dambeys ah ka qaadato Khiyaamooyinka is-daba jooga ah iyo faro-gelinaha kaga imanaya Maamulka Xasan Sheikh Maxamuud ee dib ugu laabtay kacaa-kufkii iyo is-qab-qabsigii caadada u ahaa nidaamyadii ka horeeyay.

Waa in Xukuumaddu Beesha Caalamka iyo Qaramada Midoobayba u dirtaa fariin adag oo ka turjumaysa Mowqifka ay ka taagantahay Wareejinta maamulka Hawada iyo Duulimaadyada ee ay hay’adda ICOA ku wareejisay Muqdisho.

Hadiise ay ka war-wareegto xukuumaddu go’aan ka qaadashada arrintaasi wareejinta Maamulka Hawada Somaliland iyo Soomaaliya, waxa muuqata inay si badheedh ah u ogolaatay inay noqoto Maamulka Federaalka Soomaaliya, taasoo sababta ay u qaadatayna lagu sifeyn karo Dhaqaalle jeclaysi ay dhaafsiisatay qadiyada iyo Qarannimada umadda Somaliland ee Masiirkooda u ku aaminay.