Waxa Maalintii Sabtida Laygu xidhay Xarunta C I D da ee magaalada hargaysa saacadu markay ahayd 1130 ki Subaxanimo waxanan kasoo baxay saaka 1030kii subaxanimo waxana lay xidhay mar ay xaalada magaalada Hargaysa cakirantayWaxana Xadhigaa igu Wehelinaayay Raxan Xildhibaanaa oo kamida Golaha Wakiilada Somaliland oo ay kamid yihiin Xildhibaanada loogu Jecelyahay Golaha Wakiilada oo uu ugu Horeeye Xildhi baan Ibraahin Mahdi Buubaa Bashiir Tukaale Siciid Cilmi Rooble Maxamed Saalax Iyo Jamac Xasan Aadan Iyo Koox dhalinyaro ah oo uu ku jiro Xoghayaha Garabka Dhalinyrada ee Xisbiga Waddani Mudane Maxamed Sidiiq.
Hadaba in kastoo aan anigu kaga dambeeyay Jeelka oo iyaga layga sii hor daayay intii aan kaga dambeeyay Xabsiga Asxaabtayda Ilaahay ayaa Mahad Leh oo hada waxaan joogaa Banaanka Xorna waan ahayin kastoo aan Sharci Daro ku xidhnaa hadana kama qabo wax cuqdada Xadhigayga sababtoo ah Xadhigu waa sunaha Dawladnimo Mid kamida waxan u Mahad Celinayaa intii ka Hawl Gashay sii Dayntayda oo ay ugu Horayso Xildhibaanad Baar Siciid oo si mug leh ugu dadaashay siidayntayda sidoo kale waxaan u mahad naqayaa Askartii Ilaalada ee xabsiga igu haysay
Waxanan Cambaaraynayaa Siyaasada Xukumada Axmed Siilaanyo ee ku Hawlan burburinta Shuruucda Qaranka ee Qaska iyo Buuqa u tafa xaydatay kana tala absatay Xaydaabkii Dastuurka Qaran oo aynu wada ognahay inay si badheedha ugu tumatay Sharcigii Dalak oo ay Gardaro aan geed loogu soo gaban ay hadh cad ku weerartay Xaruntii Golaha Wakiilada oo ay la wareegtayMasuuliyiinta Golahaas
ee Xishmadiisa iyo Xaasanadiisaba lahaa
Waxanan ugu Dambayntii aan Madaxweynaha ugu Baaqayaa inuu Sharciga Ku Laabto oo aanuu muuqan kursiga Gudoomiyaha Golaha Wakiiladdu
Waxanan Leeyahay Mudane Madaxwayne hadii aad kursigaaga arki waydo oo aad ka Cabdiraxmaan Cirro kuu laaco suura galimayso
ee waxaan kuleeyahay
HADII CIRKU SOODHACO HALAAKAD ADIGU KA GASHO AYUUNBUU CABDIRAXMAAN CIRRO NA KA GELI DOONAA
ee Sidaa u ogsoonaw in hadii Cabdiraxmaan Cirro Kursiga Waayo Inaanad adiguna ciyaar ku fadhiyaynin
By Sacad Cali Kaahin Raamalay Sacad plucky
Afhayeenka Gobolka Togdheer ee Xisbiga Wadddani