Hargeysa(GNA)-Madaxweynaha Somaliland ayaa Maanta Xadhiga ka jaray dhisme qasri ah oo loo dhisay Dallada Dhalinyarada Somaliland ee Sonyo, kaasoo ku yaalla xaafadda Shacabka ee Magaalada Hargeysa.
Munaasibada furitaanka Shirkan waxa ka qayb-galay Madaxweynaha, Madaxda iyo Goleyaasha Dallada Dhalinyarada, Masuuliyiin ka kala scda laamaha dawladda iyo Xukuumadda, Xildhibaano, Maayirka Caasimada Hargeysa iyo marti-sharaf kale.
Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo ayaa khudbad ka jeediyay munaasibada, waxaanu amaan u soo jeediyay cid kasta oo ka qayb-qaadatay yagleelka Dhismahan , isagoo dhanka kalena bogaadiyay doorka ay dhalinyaradu ku leedahay dhismaha dalka iyo dawladnimada.Halkan ka Dhegeyso:
[audio mp3="http://www.gobanimonews.com/wp-content/uploads/Khudbadii-Madaxweynaha-Ee-SONYO1.mp3"][/audio]