Tuesday, December 9, 2014

Ololaha Joojinta ku Tacadiga Haweenka oo la soo gabagabeeyay..Daawo

ololeHargeysa(GNA)-Ololaha joojinta Tacadiyada lagula kaco haweenka ayaa maanta lagu soo gunaanaday magaalada Hargeysa ee Caasimada Somaliland.

Ololaha ayaa socday muddo laba todobaad iyo badh ah, waxaanu ahaa mid caalamka oo dhan ka socday oo bulshada lagaga wacyi-gelinayay dhibaatooyinka loo geysto Haweenka, sida Kufsiga, Jidh-dilka, xaqiraada xuquuqiyaadkooda aasaasiga ah, laguna baraarujinayay in la daryeelo, lana dhowro dhamaan xuquuqda Gabdhaha yar iyo waynba.

Somaliland oo Ololahani intii uu socday aan si aad ah Bulshada looga dhex dareemin, isla markaana ku dhawaaqistii Bilowga wax ka dambeeya aan inta badan Warbaahinta ka muuqan, ayaa maanta xaflad lagu soo gabagabeeyay lagu qabtay Magaalada Hargeysa.

Waxa Munaasibadaa ka qayb-galay, Madax ka socota laamaha dawladda, Ururrada haweenka, Dhalinyarada, Madaxdhaqameedyo, Aqoonyhano iyo marti sharaf kale, waxaana intii Munaasibadu socotay lagu soo bandhigay fariimo ku aadan joojinta tacadiga gabdhaha, iyadoo ay halkaasi ka soo jeediyeen khudbado xubno ka mid ah Golaha Wasiirrada ee xukuumaddu.

Olole2Sidoo kale waxa munaasibada lagu soo bandhigay Masrixiyad ka turjumaysa Kaalinta ay Bulshada kaga jiraan Dumarku iyo caqabadaha ay sida joogtada ah ula kulmaan.

Halkan ka Daawo Warbixinta Munaasibada: