Saturday, December 13, 2014

Waxa wax lala yaabo ah in maayir ku xigeenkii caasimada oo Ucid ka soo baxay uu xirsi ku faano.. yuusuf kayse xog. warfaafinta Ucid.

Hargaysa(GNA).Xoghayaha warfaafinta xisbiga mucaaridka ah ee ucid Yuusuf kaysa c/laahi ayaa nasiib daro ku tilmaamay in wasiirka madaxtooyada somaliland, xirsi uu guulo ay xukuumadu gaadhay ku tilmaamo maayir ku xigeenka caasimada hargaysa, c/casiis maxamuud xaashi (cagaweyne),oo isagu ka soo baxay xisbiga ucid balse wasiir xirsi uu ka faafnay mar uu ka hadlaayay shirkii dhalin yarada somaliland ee dhawaan lagu qabtay magaalada hargaysa.
xoghayaha warfaafinta xisbiga ucid oo maanta u waramay shabakada gobanimonews ayaa ugu horayn ka hadlay aragtida xisbiga ucid ee shirkii loogu magacdaray shirweynaha dhalinyarada somaliland,isaga oo ku tilmaamy mid xaaraana oo aan lagu matali karin magaca dhalin yarada somaliland, balse uu ahaa mid xukumadu ku doonayso inay ku gasho kaambaynka doorashooyinka,waxaanu sheegay in xisbiga ucid uu guud ahaanba ka soo horjeedo shirkaasi oo aanu aqoonsan.
mr. yuusuf kayse oo ka jawaabaayay in xisbiga ucid lagu marti qaada shirkaasi waxa uu sheegay in aanay arag wax marti qaada oo loo keenay isaga oo ku dooday in hadii lagu marti qadi lahaa ay goobtu isku badalilahayd goob Ucid maadaama ay dhalin yarada intoo badani ay taageersan yahiin xoisbiga ucid sidaa daraadeedna aan lagu marti qaadin iyada oo xukuumadu ,ka cabsi qabta in dhalin yaradii goobta lakeenay ay taageeraan xisbiga ucid
Geesta kalana xoghayaha oo ka hadlaayay bal sidayb u arkaan in maayir ku xigeenka caasimada oo isagu goobta uu wasiirv xirsi fartab ugu yeedhay ayaa sheegay in ay ayaandaro tahay in wasiir xirsi ku faano maayir ku xigeen ka soo baxay xisbiga ucid oo uu ku darsado wax qabadka xukuumada siilaanyo isaga oo maayir ku xigeenka caasimadana cagaweyne ku tilmaamay mid caayay caqliga dhalin yarda islamarkaana ay ceeb ku tahay shakhsiyadiisa.
isku soo wada duuboo xisbiga ucid ayaa xaaraan ku tilmaamay shirkii todobaadkii hore lagu soo gaba gabeeyay magaalada hargaysa ee lagu magacaabay shirweynaha dhalin yarada somaliland, iyada oo aragtida xisbiyaduna ay ka soo horjeesteen shirkaasi.
mustafe Axmed(Herer).
Gobanimonews.com
Hargaysa/somaliland