Saturday, December 13, 2014

Badhsaabka Gobolka Togdheer oo Difaacay Dallada SONYO

Shirweynihii Dhalin-yarada oo shaki geliyay madaxbanaanida SONYO...
badhsaabka togBurco(GNA)Gudoomiyaha Gobolka Togdheer Maxamed Muuse Diiriye ayaa saaka difaac aan gabasho lahayn isla bar bar istaagay Dalada dhalinyrada ee Sonyo,taas oo beryihii ugu danbeeyay ay dhalinta Reer Somaliland iyo Xisbiyada Mucaaradka ahiba aad u dhaliilayeen isla markaan lagu eedaynayay inay dawlada u noqotay gabood loo soo dhex maro hanuuninta Dhalinyarada ka biyo-diidsan siyaasadda xukuumadda, xilligan la waajahayo kala guurka siyaasiga ah.

Gudoomiye Diiriye oo Saaka Shir jaraa’id oo uu kaga hadlayey ammaanka Gobolka ku qabtay Magaalada Burco, ayaa sidoo kale Dallada SONYO ku ammaanay shirweynihii ay u qabteen dhalinyarada Somaliland.

Isagoo arrintaasi ka hadlayana waxaa uu yidhi''Ururka Sonyo waa Urur Qaran oo soo jireena oo mudo dheer soo jiray oo soo shaqaynayay gobolada ku leh Xafiisyo,Qaabka uu shirkiisa u qabsanayo iyo xafladiisa yaqaana,Cid durta oo meelahan ka durta kan aqbalayno,Aqbali mayno in meelahaas laga yidhaahdo ururka caynkaas ah meel baan kaga biirayaa iyo cadaalad looma qaban iyagaa nidaam iyo sistam leh,Ururka Sonyo waa urur jira waa urur u adeegaya dhalinyarta,hadii aynu wax kasta oo inoo soo kordhaan aynu caaridno ceebay noqonaysaa.”

Guddoomiye Maxamed Muuse Diiriye ayaa isagoo hadalkiisa sii wata yidhi “dhalintu meel isuguma timaado laakiin cid baa u hagaysa hawsha Madaxwaynaha Somaliland aqlka uu u dhisay ee dharaartii dhawayd furayay waad arkayseen umadii isugu timi ee dhalinyarta ahayd waad arkayseen.”
Badhasaabka oo la waydiiyay cida uu sheegayo ee uu laayahay Sonyo ayay waxa ka sheegaysaa cida ay tahay isla markaana dab socda dhalinyaro tv yada ka hadashay  oo djaliishay Sonyo  ayaa ku jawaabay:- “da,yartii ay barbarian-lahaayeen ee kusoo Biiri lahayd inay ka hadlaan meelahaas maaha oo dhalinyartii isu jawaabto taan diidaya waataas,TV yo ayaan ka daawaday looga wanaagsan inay dhalintu isu jawaabto,inay wax wada hiigsadaan baa loo baahanyahay  inay himilo wada yeeshaan baa loo baahanyahay inay dantooda ka saqeeyaan ba loo baahanayahay,cidii markaas hawsha ku jirta inay u daba fadhiistaan baa loo baahanyahay.”ayuu yidhi.
Difaaca Badhsaabka Togdheer ee Sonyo ayaa kusoo beegmaysa xili dalada Sonyo ay dhalinta somaliland ku eedaynayaan inay ku milantay dawlada isla markaan ay tahay koox danaysatayaal ah. “anigu waxaan aaminsanahay inay ku faddeexadoobeen Shirkan, waanan diiday inaan kala qayb-galo”sidaasi waxa GNA u sheegay mid ka mid ah Aqoonyahanka reer Somaliland ee Da’ada yar oo si weyn u dhaliilay Shirka Dalladu qabatay.

Sidoo kale, dadka ka faallooda arrimaha Siyaasadda ayaa isku raacsan inaanu Shirweynaha dallada SONYO ka madhnayn dareenno Siyaasi ah, isla markaana uu hanuunin u ahaa da’yarta ka biyo biyo-diidsan hogaaminta Siilaanyo. Waxaa sababaha aadka loogu dhaliilayo ka mid ah ka qayb-gal la’aantii Mucaaridka ee kulanka iyo baanistii Wasiirrada xukuumadd uga faa’idaysteen.

Arrinta aadka laysu weydiinayaa waxay tahay “xaflada waxa ka qayb qaatay Hay’adda Caalami ah, oo magacyadoodu ku yaaleen boodhka Shirka, hadana waxa lagaga hadlayay Siyaasadda dhinac u jan-jeedha”sidaasi waxa GNA u sheegay mid ka mid ah Madaxdhaqameedyadii furitaanka Shirweynaha ka qayb-galay.

Si kastaba ha ahaatee Shirweynahan oo ay ka qayb-galeen ku dhawaad Afar kun oo qof oo ka mid dhalinyarada Somaliland, kuwaasoo badankooda da’doodu ka yarayd soddon sanno jir, ayaa waxa laga soo saaray qaraar lagaga hadlayey sidii wax looga qaban lahaa caqabadaha hor-taagan horumarka Dhalinta.

Axmed Muuse Maxamed/ Saleeban Kalshaale

Gobanimonews

Burco Office.