Hargeysa(GNA)-Munasibada uu soo qaban qaabiyeen dugsiga sare ee sheikh Cali Ibraahin oo ay ka soo qayb galeen Agaasimaha Guud ee Wasaarada dhalinyarada iyo ciyaaraha,Gudoomiyaha Waxbarashada Aaga Bari ee gobolka Maroodi jeex Maamulka iyo macalimiinta dugsiga Sare ee sheikh Ali ibraahin ayaa abaal marin Dahab ah lagu gudoonsiiyay hal-Abuurad Deeqa Nuux Yoonis oo Dhawaan tartan-suugaaneed ka dhacay Somaliland kaalinta koowaad ka gashay.Munaasibada Gabadhan Abaal-marinta lagu guddoonsiiyey oo ka dhacday Hudheelka Dalxiis ee Magaalada. ayaa ka sekow Khudbadihii masuuliyiint ka jeediyeen, waxa lagu soo bandhigay riwaayad wacyigalin ah oo ka hadlaysa Tahriibka,Maansooyin dhaqanka suuban ka hadlay iyo hadalo dhiirigalin ah oo lagu dhiirigalinayo hal abuurad deeqa Nuux Yoonis.
Ugu horeyn waxa ka hadlay Maamulaha Dugsiga Saree e Sheekh Cali Ibraahin ,waxaanu sheegay inay guul wayn u tahay dugsiga sheikh Cali ibraahin inay halkan ku maamuusaan hal-abuurad deeqa Nuux yoonis iyadoo soo hoysay guul tartan suugaaneed Somaliland Lagu qabtay
“Waxa aan caawa aad ugu faraxsanahay inaynu abaal marin ay mutaysatay halkan ku gudoonsiino,faraxad ayay noo tahay iskuulka biyo Sheekh Cali Ibraahin ayay u tahay inay Ardayda ka tirsani oo illaahay hibo u siiyay Suugaantu ka soo dhexbaxdo ,iyadoo ka guulaysatay dad badan kuna soo baxday hibada illaahay ku manaystay deeqa yar.Deeqa Nuux Yoonis waxa ay naga mudantahay hadaanu nahay iskuulka Sheekh Cali ibraahin’ayuu yidhi Maxamed jamhuuriya oo ah maamulaha dugsiga saree e Sheekh Cali Ibraahin
Waxa isaguna Goobtaasi ka hadlaya Gudoomiyaha Waxbarashada Aaga bari ee Gobolka Maroodi jeex Ismaaciil Cali
“horta aan u ducaynyo Deeqa Nuux Yoonis waan ku faraxsanahay inaan arko, gabadh da’yar ooh al-abuurad ah oo tirisa suugaan kala duwan.Wakhtiyadii hore may dhici jirin ama way ku yarayd in la arko gabadh Gabayda,waayo wakhtiyadaasi way buraan buri jireen dumarku ,malaha ogaalkayga waxan garanayaan gabadh kaliya oo wakhtigii isticmaarka gabay gobanimo doon ah tirin jirtay,waxa iigu xigtay deeqa Nuux Yoonis oo aynu caawa u fadhino Abaalmarintan ay mutaysatay in la gudoonsiino”ayuu yidhi Ismaaciil Cali Gudoomiyaha Aaga Bari ee Waxbarashada Somaliland.
Waxa madashaasi ka hadashay Hal-abuurad deeqa Nuux Yoonis oo u mahadcelisay bulsho wayntii ka soo qayb gashay iyo maamulka ,macalimiinta dugsiga sare ee sheikh Cali Ibraahin.
Agaasimaha Guud ee Wasaarada dhalinyarada iyo ciyaaraha Maxamed dhabeeye oo madashan abaal marinta lagu gudoonsiiyay Ka hadlay ayaa waxa uu sheegay in ay ka wasaarada ahaan ay aad ugu faraxsan yihiin in la helo gabdho hal-abuuro ah
“Ka wasaarad ahaan hadii aanu nahay wasaaradii dhalinyarada waanu ku faraxsanahay inaanu arago dhalinyarada soo kacaysa oo illaahy hibo u siiyay inay tirin karaan suugaan kala duwan,runtii aad Ayaan ugu bogaadinaya deeqa Nuux Yoonis inay soo bandhigto Gabayo inta badan dhalinyarada ka hadlaya”ayuu yidhi Agaasimaha guud ee Wasaarad dhalinyarada iyo ciyaraha Somaliland
Gabagabadiina waxa munaasibadaasi Abaal marin iskugu jirta Hadyado iyo Dahab lagu gudoonsiiyay Hal abuurad deeqa Nuux Yoonis oo tartan suugaaneed ka dhacay Somaliland oo lagag hadlayay Aafada Tahriibka ku guulaysatay,Dugsigan sare sheikh Cali Ibraahin ee Soo qab qaabiyay munaasibadan oo ay Ardayad ka tahay deeqa Nuux Yoonis ayaa maamulkeedu sheegay inay u soo hoysay guul aad u balaadhan.
Halkan ka Daawo: