Hargaysa(GNA).Wasiirka wasaarada madaxtooyada somaliland xirsi X.cali xasan oo maanta ka qayb galay shir ay dalada dhalinyarada somaliland,eee SONYO, u qabatay dhalinyarada somaliland oo lagu magac daray shirwaynaha dhalinyarada somaliland, ayaa mar qudha waxa uu isku badalay goob olole kaambayn siyaasadeed ka dib markii wasiir xirsi uu makarafoonka qabsaday,islamarkaana uu ku soo bandhigay waxa uu ugu yeedhay doorka dhalinyarada iyo xukuumada maanta ee siilaanyo hogaaminaayo taas oo ahayd faan iyo fagaare fuul aan meelna run kun lahayn.wasiir xirsi oo ku hadaaqaaya hadalo ay inta badan karaahiyeysteen dhalinyaradii iyo aqoon yahiinkii goobta fadhiyay ayaa wakhtigii hadalkiisa ku qaatay olole uu ugu dhoola tusaayay asxaabta mucaaridka isaga oo dhalinyarada ugu baaqay in aanay dheg jaqal u siin waxa uu ugu yeedhay hadalada ka soo baxaaya maskaxaha raqiiska ah waa sida u hadalka u dhigaye, taas oo dadka siyaasada odorasaa ay ku tilmaameen mid uu ugu quusinayay siyaasiyiinta mucaaridka.
sikastaba ahaatee xafladii loogu talo galay shirweynaha dhalinyarada somaliland ayaa mar kaliya isku badashay goob uu ka socdo olole siyaasaded taas oo uu dhaliyay wasiir xirsi.
Mustafe Axmed(Herer).
Gobanimonews.com/office
Hargaysa/somaliland