Wednesday, December 10, 2014

shir noociisu dalka kaw ka yahay oo maanta loo qabtay dhalinyarada JSL.

Hargaysa(GNA).shirweynahii ugu horeeyay ee ku baxa magaca dhalin yarada jamhuriyada somaliland, ee abid la qabto aayaa maanta ka furmay magaalada hargaysa.
shirka oo ay soo abaabushay dalada dhalinyarada Somaliland,ee SONYO islamarkaana socondoona laba maalmood ayaa waxa ka soo qayb galay oo si rasmiya u furay madaxweyne ku xigeenka somaliland, mr.saylaci iyo xubno ka socda golaha wasiirada dalka iyo masuuliyiinta dalada Sonyo,Gudoomiyaha dalada sonyo ,Ismaaciil taani oo ugu horayn ka hadlay furitaanka shirka ayaa sheegay in shirkani uu yahay kii midayn lahaa dhalin yarada somaliland, u jeedadiisuna ay ku qotonto midaynta dhalinyarada qaranka somaliland,wasiirada wasaaradaha maaliyada, ciyaaraha iyo arimaha dibada somaliland, oo iyaguna ka hadlay shirkaasi ayaa kula dardaaramay dhalinyarada dalka somaliland ka fogaadaan nidaamka qabyaalada ee haatan ay dhalinyaradu ku jaahwareertay iyo balwadaha xun.
Ugu dambayntii madaxweyne ku xigeenka somaliland oo ka hadlay isna dhankiisa dhalinyarada ka dhiiri galiyay inay ka fogaadaan waxkasta oo lid ku ah qaranimada somaliland.
isku soo wada duuboo shirkan ayaa noqonaaya kii ugu horeeyay ee ku baxa magaca dhalinyarada somaliland ee abid lagu qabto gudaha dalka somaliland, iyada oo shirkani uu ku soo beegmayo xili ay xaalada dhalin yaradu marayso meel aad u liidata oo xaasaasiya oo ay intooda badan dhalinyaradu ku leen meen badaha halka inta hadhayna ay hanka ku hayaan inay mar uun ka baxaan xadka somaliland,taas oo ay sababtay,shaqo la,aanta baahsan ee hadhaysay dalka.
Mustafe Axmed (Herer)
Gobanimonews.com.office
Hargaysa/somaliland