Wednesday, December 10, 2014

C.I.D-da Somaliland oo xabsiga dhigay Wariye ka howl-gala Warbaahinta Dawladda

khadaewHargeysa (GNA) – Ciidamada dambi-baadhista ee Somaliland ee Loo yaqaanno C.I.D ayaa xidhay Wariye ka tirsan suxufiyiinta ka hawl-gala  Telefiishanka Qaranka.

Wariyahan la xidhay oo Magaciisu yahay Khadar Quule, ayaa ilo-wareedyo xog-ogaal ahi Warbaahinta Dhamays u sheegay in Wariyaha la qabtay isaga oo ku sugan xarunta Telefiishanka Qaranka ee Magaalada Hargeysa, taasi oo ku dhex taalla wasaaradda warfaafinta Somaliland.

Lama Oga sababta xadhiggiisa, laakiin xogaha aanu helayno ayaa intaa ku daraya in Wariyaha lagu xidhay dacwad kaga timid safaaradda dawladda Itoobiya ku leedahay Magaalada Hargeysa, taasi oo ah inuu dhowr toddobaad ka hor uu gaadhi ka jaray (gooyey) calanka dalka Itoobiya oo dhinaca kaga dhagsanaa.

Waxa la sheegay in gaadhiga calanka Itoobiya ku yaallay ee Wariyaha lagu eedaynayo inuu ka jaray uu ka yimid dhanka dalka Itoobiya oo maalmahaa laga xusayey xafladda loogu yeedho “Gingood).

Waxa la soo wariyey in Wariyaha oo gaadhigaasi ka jaraya Calanka dhinaca kaga dhagsanaa uu sawiray mid mid ah shaqaalaha safaaradda Itoobiya ee Hargeysa oo meel aan ka fogeyn gaadhiga taagnaa. Waxaana la sheegayaa in sawirkii uu ninkaasi ka qaadey Wariyaha loo gudbiyey ciidamada Damb-baadhista Somaliland, kuwaasi oo iyaguna Wariyaha ka soo xidhay xarunta Telefiishanka Qaranka ee Somaliland.

Wariyaha ayaa maalintii labaad ku xidhan xarunta ciidamada CID-da, kuwaasi oo waydiinaya su’aalo sida la sheegay la xidhiidha waxa ku kalifay inuu gaadhiga ka gooyo calanka dalka Itoobiya.