Tuesday, December 9, 2014

Mudaharaad ka dhacay Magaalada Caynaba

Caynaba(GNA)Magaalada caynaba ee xarunta Gobolka Saraar waxa maanta ka dhacay Mudaharaad lagaga soo hor jeedo Taliyaha qaybta Booliska Gobolkaasi saraar Axmed Daahir.

dad waynaha Mudahaaradka sameeyay ayaa magaalada ku wareegay iyagoo ku qaylinaya hadalo ka dhan ah Taliyaha qaybta Booliska Gobolka saraar, kaasoo ay kaga cabanayaa dhibaatooyin ay ku eedeeyen inuu geystay intii Gobolka Joogay.
“wuxuu noqday  laayaan gacanka hadalka  yaqaan,shalay nin bilays ah oo xidhan buu garaacay oo waxyeelo u gaystay,maantana ni ri, gaadhi ka jiidhay buu garaacay,dhaibaatooyin faro badan baa jirta,magaaladoo dhan arintan ka mudahaarday” sidaas waxa Gobanimonews u sheegtay Caasho Maxamed.
“waxaanu ku baaqaynaa in nalaga bedelo inlaga bedelo qof masuul ah hadii nabad gaelyo,”ayuu yidhi Maxamed salaeeban ''taliyihii ayaa  magaalada nabad gelyadeeda xumayanaaya intuu yidhaahdo ii xida ayuuu gacatiisa ku garaacaya ,badhasaabka ayuu caagad ku dhuftay maalin dhawayd.”
“hanalaga bedelo reer oodawayne ayaa yidhi naga bedela oo waliba meel muslin joogo ha gaynina,sidii baanu leenahay”.sidaasna waxaa yidhi mudaharaade kale.
Geesta kale Taliyaha qaybta Gobolka saraar Gaashaanle Axmed Daahir oo ka jawaabaya eddayntan lo soo jeediyay ayaa iska difaacay dhaliilaha loo jeediyay.

''qof danbi galay oo askarta raaaci waayo qof la dhirbaaxo iyo qof la riixoba wuu leeyahay.”ayuu yidhi Taliye Axmed Daahir.

Axmed Muuse Maxamed

Gobanimonews

Caynabo Office