Sunday, December 14, 2014

War Deg Dega: madaxweyne geele oo iskugu yeedhay siilaanyo iyo xasan +faysal oo ku nagaaday jabuuti

geele2 ismaaciil geeleHargaysa(GNA). Madaxweynaha dawlada jabuuti ismaaciil cumar geele ayaa iskugu yeedhay madaxweynayaasha somaliland iyo somalia iyada oo ay maanta magaalooyinka hargaysa iyo muqdisho ka baxidoonaan labada madaxweyne kuna kulmidoonaan magaalada jabuuti ee dalka jabuuti.
kulankan ayaan la ogayn waxa ku duugan balse wararka soo gaadhaay shabakada gobanimonews.com ayaa sheegaaya in madaxweynaha jabuuti u yeedhay labadan hogaamiye mana cada ujeedadu
geesta kalana gudoomiyaha xisbiga ucid eng:faysal cali waraabe iyo ku xigeenka saxaad ee xisbiga ucid muj: cali guray ayaa iyaguna ku nagaaday magaalada jabuurti oo ay baryahanba ku sugnaayeen balse la filaayay inay maanta ku soo laabtaan dalka somaliland iyada oo dib u dhacooda lagu sababeeyay kulanka madaxweyneyaasha somaliland iyo somalia oo la filaayo inuu goob joog ka ahaado.
isku soo wada xoodoo waxa wali daahsoon dulucda kulankan iyada oo shaki badani dul hoganaayo, balse saacadaha soo socda ayaa la filayaa in la ogaado ujeedada.
Mustafe axmed(Herer).
Gobanimonews.com/office
Hargaysa/somaliland