Doorkii Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee ilaalinta Nabad-gelyada iyo dejinta Xaaladaha Maxaliga ah oo oo meesha ka baxay
Hargeysa(GNA)-Dhacdooyin ka dhan ah Nabad-gelyada dalka oo qaarkood dhaliyeen Khasaare nafeed, ayaa ka kala dhacay Gobollada Awdal iyo Sanaag saddeed iyo afartankii Saacadood ee laga soo gudbay.
Ugu yaraan Hal qof ayaa ku dhintay laba kalena waxa ka soo gaadhay dhaawacyo iska hor-imaad laba maleeshiyo beeleed ku dhex maray Deegaan lagu magacaabo Dhabeeda oo hilaadii 30KM dhinaca Koonfur kaga beegan Magaalada Ceerigaabo ee xarunta Gobolka Sanaag.
Iska hor-imaadkan ayaa ka dhashay muran dhul-daaqsimeed oo u dhexeeya laba Deegaan oo halkaasi wada dega, kaasoo in muddo ah soo jiitamayay, balse markii ugu horaysay gacan ka hadal ku dhex maray dhinacyada isku haya. “meesha lagu dagaalamay waa meel dhul-daaqsimeed ah oo ka tirsan Dooxada Dhaabeeda, hal qof ayaa ku dhintay, dhaawaca warar kala duwan ayaa soo baxaya laakiinse war sugan lagama hayo, labadii maleeshiyo ee dirirtu dhex martayna waxa kala dhex galay Ciidanka Qaranka oo xalay (Habeen hore), meesha gaadhay”sidaasi waxa khadka Taleefoonka ee Magaalada Ceerigaabo ku soo wariyey Wariye halkaasi ku sugan.
Wararkii ugu dambeeyay ee laga halayo goobta labada Maleeshiyo ku dagaalameen ayaa sheegaya inay xaaladu degentahay, inkasta oo ay Ciidamadii labada dhinac is-horfadhiyaan ciidamo ka tirsan Milateriga Somaliland kala dhex fadhiyaan.
Labada deegaan ee dagaalku u dhexeeyo ayaa ka soo kala jeedda Koonfurta iyo Galbeedka Sanaag.
Geesta kale ma jiro wax war ah oo ka soo baxay Maamulka gobolka Sanaag iyo kan degmada toona oo la xidhiidha dagaalkan khasaaraha sababay ee duleedka Ceerigaabo ka dhacay, hase ahaatee wararka naga soo gaadhay Magaalada Ceerigaabo waxay intaasi ku darayaan in dagaalku uu dhacay xilli uu Badhasaabka gobolku ku soo maqnaa dhanka Hargeysa, isla markaana uu xalay dib ugu laabtay Gobolka si uu xaaladan u waajaho.