Hargeysa(GNA)-Xoghayaha Guud ee Xisbiga Mucaaradka ah ee Wadani Maxamed Cabdilaahi Uur Cade ayaa Xilkii Ka Xayuubiyay Guddoomiyihii Xisbiga Wadani ee Degmada Sheekh Cali Jaamac Ibraahim (Cali Guray).
Maxamed Cabdilaahi Uur Cade oo wareegtada uu xilka kaga xayuubiyay Guddoomiyihii Hore ee Degmada Sheekh Xafiiskiisa Ka Soo saaray 12.11.2014, wakhtigaas oo ku beegnayd markii uu guddoomiyaha Xisbiga Wadani Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cabdiraxmaan Cirro) iyo waftigii balaadhnaa ee uu hogaaminayay ay socdaalka ku tageen Magaalooyinka Berbera, Sheekh, Burco iyo Oodweyne ayaa waxa uu kaalintiisii si ku meel gaadh ah ugu magacaabay Cali Aw Maxamed Xasan.
Guddoomiyihii hore ayuu u soo jeediyay Xoghayaha Guud in xilkii uu u hayay Xisbiga uu si ku meel gaadh ah ugu wareejiyo Cali Aw Maxamed Xasan oo uu u soo magacaabay.
Waxa uu xoghayaha guud uga mahad celiyay Guddoomiyihii hore ee Degmada Sheekh U Qaabilsanaa Xisbiga Waddani mudadii uu la soo shaqeeyay.
Haddaba Masuulkan xilka uu ka qaadista ku sameeyey Xisbiga Waddani, ayaa la filayaa inuu Xisbiga Xukuumadda ee Kulmiye ku biiro maalinta berri ah, isla markaana loogu xafladeeyo Magaalada Sheikh, halkaasoo ay caawa soo gaadheen masuuliyiin ka socda Kulmiye iyo soo dhaweeyayaasha ninkan iyo taageerayaashiisu.
Ma cadda sababta ku keliftay Cali-guray inuu xisbiga uu ka tirsanaa ka tago, kuna biiro xisbul-xaakimka oo beryahan dambe isaga laga yaacayo, hase ahaatee waxa muuqata inay xukuumadda oo beryahan dambe saxaadda siyaasaddu cidhiidhi ku noqotay doonayso inay kula barbarayso soo dhaweynta xisbiga Mucaaridka ahi khamiisaha ku qaabilo taageerayaasha Xisbigeeda ka soo baxay.