Hargeysa(GNA)-Xaaladda magaalada Borama ayaa ah weli mid aan kusoo noqon sidii lagu yiqiinay ee ahayd deganaanshaha iyo wada shaqaynta xukuumadda iyo bulshada reer Borama. Inkastoo wali ay magaalada joogaan afartii wasiir ee loo diray inay soo xero galiyaan suldaan Wabar oo tobobaadkii hore ku dhawaaqay in isaga iyo bulshada galbeedka Somaliland ay ka goosteen Somaliland oo ay qayb ka noqdeen dawladda Federalka ah ee Somalia.Lama oga goobta rasmiga ah ee Suldaanka ku sugan yahay, haseyeeshee wasiirada waxa ku adkaatay in suldaanka ay si toos ah ula xidhiidhaan ama ay u dhexmaraan salaadiinta gobolka taasi oo sababtay in xukuumadda Somaliland miciin biddo siyaasiyiin iyo taliyayaal kasoo jeeda beelaha suldaanka oo ay ka mid yihiim mujaahid C/raxmaan Awcali Faarax iyo Taliyihii hore ciidaan Somaliland General Cilmi Rooble Furreh .
Taliyahii hore ee ciiddanka General Cilmi Robleh Furre oo isagu shalayba gaadhay degmada uu kasoo jeedo ee Quljeed ayaa la sheegayaa in isaga iyo madaxdhaqameedka reer Quljeed isu afgar waayeen in arinta suldaanka meel looga soo wada jeesto oo la sameeyo xalkasta oo suldaanka looga dhaqayo go’aankii hore ee uu qaatay ,wax garadka degmada Quljeed ayaa qaarkood waxay warbaahinta u xaqiijiyeed in dadwaynaha reer Quljeed ay isku raacsan yihiin in suldaanka fikirkiisa la difaaco, reer Quljeedna ay noqon doonaan bulshada ugu horraysa ee difaaci doonta Suldaanka haddii ay arintu intaa kasii xumaato, taasina waa ta keentay in Abbaanduulaha labaad ee ciidanka Somaliland Libaax Rayaale uu midho dhaliwaayo safarkii uu ku tagay degmada Quljeed.
Kulan ay wada yeesheen cuqaasha iyo siyaasiyiinta beelaha uu suldaanku kasoo jeedo oo shalay galinkii dambe ka dhacay magaalada Borama,ayaa waxa si adag la iskula falanqeeyay in suldaanka lagu qancin karo in uu dib uga laabto hadalka ay Somaliland ka qayliday. Sida ay noo xaqiijiyeen xubno xog ogaal ah oo shirkaasi wax ka ogaa, waxa la isku afgartay in xukuumaddu arintaasi faraha kala baxdo oo looga dambeeyo madax dhaqameedka beelaha uu suldaanku hoggaanka u yahay.
Dadka ku nool deegaamada buuralayda gobolka Awdal gaar ah kuwooda teedsan dhinaca xudduudka ayaa wararka nagasoo gaadhaya sheegayaan inay la dhacsan yihiin fikirka suldaanka oo ay difaaci doonaan haddii Somaliland kusoo xad gudubto xuquuqda iyo fikirka suldaanka.” Bulshadu waxay wadaan abaabul buuxa oo dhinac kasta ah, waxayna la dhacsan yihiin fikirka suldaanka, waanad la yaabaysaa sida ay uga go’an tahay in suldaanka ay difaacaan.” Ayuu yidhi nin magaciisa kusoo koobay Xuseen oo ku sugan deegaanada dhinaca xudduudka xiga.
Way adagtahay in la saadaaliyo xaaladdu meesha ay ku dambayndoonto iyo qaabka madax dhaqameedka iyo suldaanku isku afgaran doonaan, waxase dad siyaasiyiin ah oo badani aaminsan yihiin in ay adag tahay inuu suldaanku si sahlan uga laabto go’aanka uu qaatay, xukuumaddana ay arintani ku noqon doonto dhabar jabwayn oo ay kuwaayi karto codad badan xilliga doorashooyinka.
Mursal Elmi