Burco(GNA)Xildhibaan Maxamed Jaamac Caabi Xayd(Aarka) oo u taagan Tartanka Jagada Musharaxnimada Golaha Baarlamaanka Somaliland ayaa Maanta Si rasmi ah u shaaciyay Musharaxnimadiisa.Xaflada lagu shaacinayay Musharaxa oo ka dhacaday Hotel Golis ee Magaalada Burco oo ahayd Mid aad loo soo agaasimay ayaa waxaa kasoo qayb galay Waxgarad odayaal dhaqameed,aqoonyahan dhalinyaro iyo fanaaniin.Musharaxa Jagada xildh Golaha Baarlamaanka oo ugu horayn ka hadlay Xafladaas ayaa ku bilaabay''Fariinta aan reer Togdheer u gudbinayaa waxay tahay ma ihi qof u sharaxan qabiil,Marka hore qofku wuu ka imanayaa qadiil,laakiin wax qabad kayga u horeeyaa waxa weeyaan isku xidhka dhalinyarta reer Togdheer iyo kuwa somaliland,waxaan idin leeyahay hankayaga Maantiyo hiigsigaygu wuxu yahay dalka horumarkiisiyo inaad gaadhaan Heer sare,hiilkana waxaaan ka sugayaa haweenkiyo halyeeyada togdheer.
Oday Diiriye Raygal Xayd ayaa isna xafladaasi ka hadlay waxaanu yidhi''Xidhibaankan da,da yari waxa uu kasoo jeedaa Beesha reer Xuseen,Gaar ahaan reer samatar,waxa uu u taaganyahay Golaha Xildhibaanada,waliba isagoo ka sharaxan xisbiga kulmiye,hadii aanu nahay Beesha waanu ku taageersanahay,dalna waxaa horumar gaadhsiiya jiilka dhalinyarta,waxaanu idin leenahay iska ilaaliya qabyaalada, Mushraxan waxaanu leenahay inuu noqdo mid dadka u dhexeeya oo dadka reer somaliland horumarkiisa ku fekero.insha alaahu waad soo bixi doontaa ilaahay sidaas baanu alle kaaga baryaynaa.
Qani Axmed Faarax oo ku hadlaysay Codka haweenka ayaa tidhi'' anigoo ku hadlaay codka haweenka Beesha uu kasoo jeedo Mushraxu waxaan la garabtaagnahay cudud iyo codba,waann soo saaraynaa Maxamed insha allaah.
Xubno kale oo iyaguna halkaas ka hadlay ayaa dhamaantood ku dheeraaday inay ku rajo waynyihiin inuu soo baxo.