Hargeysa(GNA)-Mid ka mid ah Chanels Mareegta YouTube-ka ayaa lagu baahiyey Waraysi aad u xiiso badan oo lala yeeshay Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi sanadkii 1992-kii, sanad ka ddib markii lagu dhawaaqay gooni-isutaaga Somaliland.Waraysigan oo sida ka muuqata Muuse Biixi lala yeeshay xilligii ay soo yeel-yeesheen dagaaladii Sokeeye, isagoo markaa ka mid ahaa Kooxdii SNM ee ka soo horjeeday Maamulkii Sal-dhiga u ahaa aasaaska dawladnimada Somaliland ee uu hogaaminayay Mudj Cabdiraxmaa Axmed Cali, taasoo lagu soo dhisay shirkii looga dhawaqay gooni-isutaaga.
Muuse ayaa Waraysigan lagu waydiinayaa dhowr arrimood wakhtigaa waddanka ka aloosnaa, iyo sababtii uu uga soo horjeeday Nidaamkii markaa xukunka hayay, iyadoo geesta kalena Suxufiyiinta Waraysiga qaadayaa ku waydiinayaan Muuse hadafkii mucaaridada ku dhisnaa ee Kooxdii Calan casta la odhan jiray ee faraca SNM ahayd ay wateen, iyagoo ka soo horjeeday dhamaan Maamuladii SNM soo maray, haba ugu fadalacadaadeen Cabdiraxmaan Axmed Cali iyo Axmed Siilaanyo.
Halkan ka Daawo:
Sirta ka dambeysa baahinta Waraysigu maxa tahay
Haddaba waraysigan ayaa marka la eego xilliga baahintiisu ku soo beegantay ama loo isticmaalay Warbaahinta Maxaliga ah, waxaad moodaa in danno siyaasaddeed laga leeyahay, isla markaana xiisad siyaasaddeed lagaga dhex curiyo qaybo ka mid ah Mujtamaca Somaliland ee haatan ku midaysan ahdaafta looga soo gudbay hab beelaysigii iyo kala qaybsanaantii deegaamada.
Dadka arrimaha Siyaasadda faaqidaa waxa kale oo ay ku tilmaamayaan soo bandhigista Muuqaalkan mid lagu xumaynayo sumcadda Siyaasaddeed ee Guddoomiyaha Xisbiga talada Somaliland haya Muuse Biixi Cabdi oo aad moodo in weedhaha uu kaga jawaabayo waraysigani saameyn balaadhan ku yeelanayaan Taageerada uu ka haysto qaybo ka mid ah Mujtamaca Somaliland.
Dib u soo noolaynta Macluumaadka wareed ee wakhti hore xaaladii jirtay ka turjumayay, hase ahaatee warbaahintu u isticmaasho iyagoo ku sawiraya wakhti la mid ah xilligaa uu dhacay, ayaa inta badan loo adeegsadaa si bulshada dib loogu xusuusiyo sooyaalkii ashkhaasta uu ka dhex muuqda, ama waxa lagu iftiimiyaa waayo adag ama wacnaa oo la soo maray si bedelkoodii midkood loo bidhaamiyo siduu xaalku ahaa.
Waxaana inta badan barmaamujyada noocan ah isticmaala Warbaahin ay daaha dabadiisa uga soo gudbiyaan afkaarta Dadka danaha siyaasaddeed leh, xukuumi ama asxaabta Mucaaridka ah midkay doonaanba a noqdeene.
Ma jirto sabab aan labadan arrimood ahayn oo loo baahiyaa mid ka mid iimaha shakhsi ama bulsho ee ay dadka reer Somaliland ku ilaaween dedaalkii dib u heshiisiineed ee laysku saamaxay, sababtoo ay tahay kuma sifeyn karno dhacdo Taariikh wanaagsan ama wax laga barto ka turjumaysa tan oo kale.