Tuesday, December 16, 2014

Suldaan Guud Ee Subeer Awal: Muuse Biixi ayaa Xisbiga Kulmiye u tartamaya"

suldankaHargeysa(GNA):-Salaadiinta beelaha Sacad Muuse oo uu hormood u yahay suldaanka guud Suldaan Xasan Suldaan Cabdilaahi ayaa ansixiyey go'aan ay guddida horu marinta beelaha Sacad Muuse ku kala reebeen musharaxiinta beeshaas ee damacsan inay ka dhex tartamaan xisbiga Kulmiye.



Suldaanka oo aanu la xidhiidhnay ayaa noo sheegay inay ansixiyeen natiinada ay soo saareen guddida horu marinta beesha Sacad Muuse ee ay ku kala reebeen musharaxiinta isla markaana ay cod ku doorteen inuu beeshaasi musharax u noqdo gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye Mujaahid Muuse Biixi Cabdi, ka dib marka uu madaxweynuhu dhamaysto mudada uu sharcigu u baneeyey.



Suldaanka Guud Suldaan Xasan Suldaan Cabdilaahi ayaa sheegay inuu Muuse Biixi noqon doono musharaxa kaliya ee ay beeshu isku raacsan tahay inuu ka dhex tartamo xisbiga Kulmiye.



Suldaanka Guud waxa uu guddida horu marinta beesha Sacad Muuse uga mahad celiyey go,aanka ay gaadheen iy hawlaha ay qabteen mudadii ay ku guda jireen hawsha soo xulida musharaxaas, waxaanu tilmaamay inay go,aankaas u gudbiyeen musharaxiinta ka soo jeeda beesha doonayey inay tartanka galaan.



Mudooyinkii ugu danbeeyey loolan adag ayaa ka dhex taagnaa sadexda musharax ee ka soo wada jeeda beesha Sacad Muuse kuwaas oo kala ah gudoomiyaha xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi, wasiirka maaliyada Cabdicasiis Maxamed Samaale, wasiirka Arimaha Dibada Maxamed Biixi Yoonis, waxaanu go,aankani noqonayaa kii ugu horeeyey ee lagu kala saaro sadexdaas musharax
sikastaba ahaatee arintan ayaan la ogayn waxa ay ka yeelidoonaan laba wasiir ee iyaga loo xadhko jaray
xigasho hadhwanaagnews.
Gobanimonews.conm