Muqdisho.(GNA)Qaar katirsan odayaal dhaqameedka Magaalada Muqdisho ayaa rajo xumi iyo walaac ka muujiyay dib usoo celinta Ra’iisul wsaarihii hore cumar c/rashiid oo la filaayo in Saacadaha soo socda uu Madxaweyne Xasan sheekh ku dhawaaqo.
Yusuf Cali Xassan waxa uu kamid yahay Odayaasha Dhaqanka Muqdisho waxa uu farta ku fiiqay inay ayaan daro tahay in dib loo soo celiyo Cumar C/rashiid Cali Sharmaake oo horay u soo noqday Ra’iisul wsaare xiligii uu dalka ku jiray KMG.
Yusuf Cali Xassan waxa uu sheegay in dalka Soomaaliya uusan xiligaani u baahneyn in dalka la galiyo marxalad uusan muteysan, waxa uuna ka digay in Madxaweyne Xassan uu xilkaasi u magacaabo Cumar Cabdirashiid.
”Horay ayaan uga soo aragnay C/rashiid cali Sharmaake iyo awoodihiisa siyaasadeed iyo meesha ay gaarsiisanyihiin, waxan ka digayaa in la soo celsho Cumar waayo waxa uu ka qeybqaatay iibsashada badda dalka”
Si kastaba ha ahaatee waxa uu Golaha baarlamaanka inay ka feejignaadan in xilka R/wasaarenimo loo dhiibo Cumar Cabdirashiid shar ma,arke .