Tuesday, December 16, 2014

Xidhiidhka Kubadda Cagta Somaliland Oo Baaq U Diray Tabarayaasha Iyo Garsoorayaasha

GacalXidhiidhka kubadda Cagta Somaliland ayaa baaq iyo fariin u diray tababarayaasha iyo garsoorayaasha kala duwan ee kubadda cagta eek u sugan gobollada dalka, waxayna ugu baaqeen inay sida ugu dhakhsaha baddan u soo xareeyaan C.V-yadooda muddo toddobaad ah.



War-saxaafadeed uu soo saaray guddoomiyaha xidhiidhka kubadda cagta Cabdilaahi Kheyre Cawaala (Gacal) oo nuqul ka mid ahi na soo gaadhay kuna saxeexan yahay Xoghayaha xidhidhka kubadda cagta Axmed Maxamed Shire (Sacad), ayaa u dhignaa sidan:



"Waxa dhammaan Garsoorayaasha iyo Tababarayaasha kubadda cagta ee gobollada  Somaliland ogeysiinaynaa inay C.V-yadooda ku soo xareeyaan xafiisyada wasaaradda dhallinyaradda iyo ciyaaraha ee ay ku leedahay gobollada dalka iyo xarunta  dhexe, muddada u dhaxeeysa 12-ka ilaa 18-ka bisha December oo ay xidhmi doonto qabashada C.V-yadu”.



“Sidaas darteed waxa lala socodsiinayaa Garsoorihii ama Tababarihii muddadaas ku soo xarayn waaya inaanu dib uga hawl-geli doonin hawlaha xidhiidhka kubadda cagta Somaliland, oo aanu u arki doono inuu ka maarmay”. Xidhiidhka kubadda cagta Somaliland ayaa damacsan inuu tayeeyo aqoontoodana kor u qaado garsoorayaasha iyo tababarayaasha kubadda cagta.