Boorama(GNA)-Wararka ka imanaya Degmooyinka Boon iyo Qol-ujeed ee Gobolka Awdal ayaa ku soo waramaya inay maalintii shalay gaadheen cutubyo ka tirsan Ciidanka Qaranka iyo Booliska ka hor-taga rabshada iyo argagixisada ee RRU-da iyo SPU-da loo yaqaanaa Deegaamadaasi, kaddib markii sida la sheegay ay isku uruursadeen Maleeshiyaad sheegtay inay daacad u yihiin Kooxda Awdal State, kuwasoo gabood ka helay dadka Deegaanka oo cabasho guud oo dawladda ka dhan ah tirsanayay.
Ciidankan Milateriga iyo Booliska isugu jira oo habeen hore ka guuro-galay Magaalada Hargeysa , ayaa shalay qayb ka mid ahi Jarmaade ku dhaafeen Boorama, waxaanay fadhiisimo ka samaysteen Degmooyinka Boon iyo Qol-ujeed, halkaasoo aanay ilaa xalay inta la ogyahay wax howl-gal ah ka fulin, hase yeeshee dhaqdhaqaaqooda si weyn looga dareemay.
Warku wuxuu intaasi ku darayaa inay Ciiddamadan dawladdu ku eekaysay deegaamada galbeedka Awdal ka dambeyeen, kaddib markii ay iska-kabeen cabashadan Deegaanka oo muddo dheer ka taagnayd, salkana ku haysay dayac iyo daryeel la’aan dhanka dawladda lagaga cabanayo iyo dhawaaq Maalmihii u dambeeyay ka soo yeedhay Niman sheegtay inay Jabhadda hubaysan halkaasi ka aasaaseen
Labadan arrimood ee isbiirsaday, ayaa la sheegay inay dareen xaasaasi ah iyo xiisad aad moodo in hadal-haynta lagu buun-buuniyay ay deegaamdaasi ka abuureen.
Ma jiro war rasmiya oo ka soo baxay Dawladda oo ku saabsan dhaqdhaqaaqyada ciidan ee halkaasi laga sameeyay, iyadoo dhinaca kale xidhiidho kala duwan oo ay Wariyeyaasha wargeyska Yool la sameeyeen Taliska Ciidanka qaranka iyo Madaxda Wasaaradda arrimaha guduhu ay noo suurto-gelin wayday inaanu, kaddib markii masuuliyiinta aanu la xidhiidhnay qaarkood ka jawaabi waayeen Telefoonadooda gacanta oo aanu ka wacnay, qaarna xidheenba.
Balse sida ay sheegayaan wararka la helayo jiidaasi Masuuliyiin xukuumadda ka socda, ayaa shalay gaadhay iyagan halkaasi, kuwaasoo la sheegay wada-hadal la fureen Kooxda fariinta hanjabaada ah Warbaahinta soo mariyey,
Masuuliyiintan ayaa geesta kale la sheegay inay dhegeysteen cabashadii ka soo yeedhaysay dadka deegaanka ee ka cabanayay wax qabad la’aanta xukuumadda, waxaana Sida ay Wargeyska Yool u xaqiijiyeen dad war galeen ah oo ku sugan Jiidaasi, wefti dawladda ka socda oo ka kooban Wasiir ku-xigeenka Qorsheynta Qaranka ,Badhasaab ku-xigeenka Gobolka Awdal iyo dabcan saraakiil kale oo laamaha amniga Gobolka ka socdaa, ay bilowgii howl-galkooda ku guulaysteen inay dejiyaan xaalada.
Hase yeeshee Wararka laga helayo dadka deegaanku waxay intaasi ku dareen inay wada-xaajoodkii Masuuliyiintu, la bilaabeen Ragga hubaysan ee deegaanka ka soo dhex hanjabay iyo waliba shacbiga ka cabanayay dayaca dawladda oo aad loogu dheg taagayay, ay markii dambe shiiqeen, kaddib markii Ciidanka meesha la geeyay dadka deegaanka iyo Kooxaha ku dhex dhuumanayay mar kale ka biyo-diideen awoodda ciidan ee lagu waajahay.
wallow aan la ogayn inuu bur-buray wada-hadalkii u socday masuuliyiintan iyo Kooxdaas iyo inuu wali sii socday, hadana waxa wararku sheegayaan inay xaaladu sidii wax ku bilaabmeen iska bedeshay.
Dhinaca kale, warar kala duwan oo xalay wargeyska Yool ka helay Deegaamada Cabdi Geedi,Magaalada Boorama iyo Degmada Baki, ayaa ku waramay in aad loo adkeeyay gabi ahaanba ammaanka Gobolka, siiba degmooyinka dhinaca Galbeedka ee shakigu ka taagantahay.
Wariye ku sugan Magaalada Boorama oo xidhiidh kala duwan la sameeyay Bulshada Dhulkaasi ku dhaqan qaarkood, ayaa sheegay inay ciidanku aad u gaaf wareegayayaan hareeraha Degmada Qol-ujeed, halkaasoo ciidanka ugu badan la dhoobay, waa sida uu hadalka u dhigaye.
Dhanka kale , waxa wararku sheegayaan in Ciidamo tiro badan oo Milateri ah shalay laga soo qaaday fadhiisimada dhanka Barri ee Ciidanka, kuwaasoo ay shalay gelinkii dambe qayb ka mid ahi caraabe ku soo gashay Caasimada.