Dhismaha cusub ee Hanti-dhowrka oo ay maal-gelisay Xukuumaddu, ayaa lagu furay Munaasibad balaadhan oo ka dhacday goobta laga dhisay, taasoo ay ka soo qayb-galeen Masuuliyiinta xafiiska Hanti-dhowrka, xubno ka mid ah Golaha Wasiirrada ee xukuumadda iyo masuuliyiin kale oo ka socday laamaha dawladda.
Maxamuud Aw-cabdi Ibraahim Hanti-dhowraha guud ee Qaranka oo furitaankii xafladaasi hadal ka jeediyay ayaa ka waramay sooyaalkii dhismaha Xafiiska cusub iyo muhiimada uu u leeyahay adeegyada Qaranka u hayaan.
“dhismahani wuxuu bedelay kii la dhisay todobaatankii ee xafiisku ku jiray, runtii waa waxqabad dhab ah oo Qaranku ku faanayo”ayuu yidhi Maxamuud dheere.
Waxa kale oo iyaguna halkaa ka hadlay Wasiirrada Wasaaradaha Maaliyada Cabdicasiis Maxamed Samaale iyo Howlaha Guud Cabdirisaaq Khaliif , kuwaasoo ka waramay doorka ay wasaaraddahoodu ka qaateen dhismaha xafiiskan.
Gabagabadii munaasibadan waxa kelmaddo mahad naq u badan ka jeediyay Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland Cabdiraxman Cabdilaahi ismaaciil (Saylici), kaasoo si guud uga warbixiyay in qurxinta goobaha adeega Bulshadu qayb ka yahay guulaha ay xukuumad ahaan soo hooyeen.
“waxqabadka xukuumaddu waxa weeye cad-ceed sacab laguma qarin karo, waxa farxad weyn noo ah in la hagaajiyo bii’adii ay shaqaaluhu ku shaqaynayeen”ayuu yidhi Saylici.
Halkan ka Daawo Warbixin Muuqaal ah:<iframe width="640" height="360" src="//www.youtube.com/embed/qZKsQDjdRiA?feature=player_embedded" frameborder="0" allowfullscreen></iframe>