Tuesday, December 9, 2014
“Suldaanka Waxa Aan Leeyahay Arintaasi Ka Noqo Oo Qaranka Xaal Sii……Xukuumaddana Waxa Aan Ka Codsanayaa Inay Si Sharaf Iyo Xishmad Leh U Qiimeyso Tabadashadda Dhaqanka Awdal Iyo Salal “Suldaan Xiiray
“Suldaanka Waxa Aan Leeyahay Arintaasi Ka Noqo Oo Qaranka Xaal Sii……Xukuumaddana Waxa Aan Ka Codsanayaa Inay Si Sharaf Iyo Xishmad Leh U Qiimeyso Tabadashadda Dhaqanka Awdal Iyo Salal “Suldaan Xiiray
Suldaan (Gobanimonews)-9-2014-Yuusuf Muxumed (Xiirey) oo ka mid ah madax dhaqameedka reer Somaliland ahna Afhayeenka Madax dhaqameedka iyo Salaadiinta Somaliland, ayaa ugu baaqay Suldaan Abibakar Cilmi Wabar oo reer Awdal ah sheegtayna in uu Somaliland ka goostay in uu arintaasi Xaalka siiyo shacabka iyo qaranka Somaliland waxaana uu sido kale Xukuumadda Somaliland ugu baaqay inay tixgelin iyo qadarin siiso cabashadda ka soo yeedhay madax dhaqameedka iyo Salaadiinta goboladda AWDAL iyo SALAL .
Afhayeenka Madax dhaqameedka iyo Salaadiinta Somaliland Suldaan Yuusuf Muxumed Xiirey, ayaa shalay mar uu warbaahinta madaxa banaan Hargeysa ku la hadlaayey waxa uu sheegay inay aqoon isku leeyihiin isla markaana caleemo saarkiisii ka qeybgalay Suldaan Abibakar Cilmi Wabar aanu ugu baaqayo in uu ka noqdo hadalka dhiilada leh ee Somaliland qaranimadeeda ka soo horjeeda dalkan iyo dadkani reer Somaliland-na ay tahay halkii uu ku dhashay ee uu lahaa, waxana uu xukuumadda ku la taliyey wax kasta oo tabasho ah oo ay tebayaan dadka deegaanadda galbeedka gaar ahaan Awdal iyo Salal in la tix geliyo oo la maqlo isaguna uu ixtiraam badan dadkaasi u hayo.
Suldaan Yuusuf Muxumed Xiirey oo arimahaasi ka hadlayey waxa uu yidhi “Waxa aan doonay in aan wax yar ka idhaahdo arinta yare maalmahan dalka ku dhex jirtay ee gobolka Boorame oo nin Odey ah oo salaadiinta gobolka Awdal ahi oo waliba anigu aanu saaxiib aheyn oo aan ragii caleemo saarkiisii ka qeyb galay ahaa isaga oo suldaanku qurbaha ka yimid oo reer qiimo badan uu suldaan u u yahay”
Afhayeenka Dhaqanka Somaliland Suldaan Yuusuf Muxumed Xiirey oo hadalkiisa sii wata waxa uu yidhi “Hadaladaasi yar ee suldaanka dhawaan ka soo yeedhay aniga oo marka hore u mahadcelinaaya salaadiinta gobolka Salal oo ah, iyo kuwa gobolka Awdal oo iyagu ah gobolkii dhidibka iyo salka loogu aasaasay Somaliland ay yihiin, waxa aan uga mahadcelinaya sida guud ahaan ay salaadiinta iyo cusaashu uga hadleen arintaasi taasina waa iga mahadnaq”
Suldaan Yuusuf Muxumed Xiirey waxa uu intaasi ku daray “Waxa aan leeyahay Suldaankaasi halkani waa dalkaagii waa gurigaagii waa ciidaadii waa hoygaagii oo waa halkii aad ku dhalatay weeye waxana aan ku leeyahay maanta Somaliland in aynu kala qaad qaadno iyo in aynu kala googeyno midnaba maaha adigana Ilaahay kuguma qaban in mawqafka caynkaasi ah aad qaadato, waxana aan leeyahay goobtaana waa in aan Ilaahay ina joojin ee waxa aan suldaanka leeyahay wixii kale ee beesha gobolka iyo deegaanadda kaleba ka hadlayaan ayaa si sharaf iyo qiimo leh wixii cabasho iyo tabasho jirta looga wada hadlaa oo looga wada arinsadaa taas ayaan codsanayaa, xukuumaddana waxa aan ka codsanayaa mar hadii ay salaadiintii iyo Odayaashii goboladda Awdal iyo Salal ay cabasho soo gudbiyeen in si wanaagsan oo sharaf iyo karaamo leh loo eego weeye, suldaankana waxa aan leeyahay arintaasi ka noqo Somaliland iyo qarankana xaal sii arintaasina in maanta la maqlaa wax shacabkeena iyo qarankeena toona qabta maaha adigana sharaftaada iyo odeynimaddada toona mid u wanaagsan maaha xukuumadduna waa inay xaliso wax aliyaala wixii SIyaasiyin iyo Xilal ahaan iyo dhinac kasta ay labadaasi gobol ka tabanayaan meel kastaba si wanaagsan ha loo eego ay ay wax ka tabanayaan dadkaasi walaalaheen ahi”
Wariye: Cabdiwali Cali Ismaaciil
Abdiwali1991@gmail.com
Gobanimonews/Hargeysa Head Office/ Somaliland