Saturday, December 13, 2014

Hogaanka sonyo waxaanu si deg dega ugu baaqaynaa inay raali ka galin ka bixiyaan shirkii xukuumadu soo maqaarsaartay.. xoghayaha arimaha gudaha xisbiga waddani mustafe Qodax.

Hargaysa(GNA).Xoghayaha arimaha gudaha xisbiga Waddani mustafe Maxamuud Qodax ayaa han jabaad xoogan u diray hogaanka sare ee Dalada Sonyo, isaga oo ugu baaqay inay si deg dega dhalin yarada somaliland, uga raali galiyaan shirkii dhawaan lagu qabtay magaalada hargaysa ee loogu magac daray shirweynaha dhalinyarada somaliland, oo ay soo abaabushay Dalada Sonyo.
xogahayaha oo maanta waraysi khaasa siiyay shabakada wararka ee gobanimonews ayaa shirkaasi ku tilmaamay mid xukuumadu soo maqaar saartay balse aanay sonyo shaqo ku lahayn, isaga oo sidoo kale sheegay in shirkaasi uu ahaa mid xukuumada siilaanyo, ay ku soo bandhigaysay guulaheeda madhalayska ah oo ay shacabka ugu sheegeen been ah inay shirweyne dhalin yaro qabtay,taas oo cay ku ah maanka iyo caqliga dhalin yarada somaliland,waxaanu Hogaanka wakhtigan ee Dalada Sonyo ku tilmaamay kuwo ka baydhay nidaamkii Dalada iyo xeerarkii loo aasaasay,waxaanu ugu han jabay in xisbiyada mucaaridku ay talaabo ka qaadidoonan hogaanka Sonyo, hadii aanay si deg dega aanay dhalinyarada somaliland, uga raali galin shirkaasi,islamarkaana waxa uu diiday guud ahaan shirkaasi isaga oo sheegay in xisbiga Waddani aanu aqoonsan shirkaasi,oo aanu ahayn shir loo qabtay dhalin yarada somaliland,balse uu ahaa mid xukuumada siilaanyo, qabsatay oo calaamada dhalin yarada somaliland lagu dhejiyay, isaga oo arimahaasi ka hadlaayana waxa uu yidhi.
,shirkaasi maaha mid aanu anagi xisbi ahaan aqoonsanay oo loo qabtay dhalinyarada somaliland, balse waxa uu ahaa mid ay xukuumada siilaanyo ku soo bandhigaysay iyadu arimaheeda,
dalada sonyo anuu waxaan ka mid ahaa dadkii sida xooga ah u taageerijiray wakhtigii aan agaasimaha wasaarada ahaa laakiin hogaanka wakhtigani waxay ka leexdeen nidaamkii kolkaa hadii aanay si deg dega dhalin yarada dalka uga raali galin shirkaasi ay xukuumadu soo maqaar saartay waxanu ka qaadin doonaa hadaanu nahay xisbiyada mucaaridka ah siiba xisbiga waddani talaabo adag, waa inay ku soo noqdaan xayndaabka dalada dhalin yarada sonyo,
Sikastaba ahaatee xisbiga waddani ayaa si xoogan uga soo horjeesday shirkii dhawaan lagu qabtay hotelka guuleed ee lagu sheegay shirweynaha dhalin yarada somaliland.
Mustafe Axme(Herer).
Gobanimonews.com.office.
Hargaysa/somaliland.
herersax@gmail.com