Mudaharaadkan saakay gilgilay magaalada Borama ayaa waxa ka qaybqaadanayay dhalin yar badan oo ku nool magaalada Borama,waxana uu mudaharaadkani ahaa mid lagu taageersan yahay suldaan Abubakar cilmi wabar oo dhawaan ku dhawaaqay in gobolada Galbeedku ka go’een maamulka Somaliland waa sida uu suldaanku hadalkiisa u dhigee.
Mudaharaadayaasha ayaa watay boodhadh ay ku xardhan yihiim erayo ay ku taageerayaan Suldaan Wabar , waxa kale oo mudaharaadayaashu ku dhawaaqayeen hadallo ka dhan ah Somaliland oo ay ka mid yihiin Somaliland dooni mayno, waxa kale oo ay ku dhawaaqayeen suldaan wabar ha noolaado iyo ereyo kale oo taageero ah.
Maamulka gobolka Awdal ayaa mudaharaadayaasha u adeegsanay ciidan hor leh oo military ah oo muddooyinkiii u dambeeyay kusoo qulqulayay magaalada Borama iyo guud ahaan gobolka Awdal. Ciidanka ayaa adeegsanayay qoryaha nuucyadooda kala duwan kuwaasi oo ay ku jiraan qoryaha ku rakiban baabuurta ee ciidanka milatariga u gaarka ah. Sida ay noo xaqiijiyeen dad xog ogaal ah ciidanka bilayska ee gobolka Awdal ayaa amar lagu siiyay inay xeryahooda ku ekaadaan oo wixii qalaase ah loo xilsaaray ciidanka milatariga.
“ ha qaxaane daa barayaada uga dartee,meesha halkay moodayaan markay mudaharaadayaan” ayay ku dhawaaqayeen ciidanka milatariga ah ee maanta xabbadda noolnool u adeegsanayay dadka mudaharaaday, sidaana waxa ii xaqiijiyay laba nin oo dhagahooda ku maqlay markii ay ciidanku sidaan ku dhawaaqayeen oo ka gaabsaday in magacaantooda lasoo xigto.
Ma jirto cid wax ku noqotay mudaharaadkan illaa iyo hadda, waxase dadwaynaha magaalada Borama kunool ka fijicisay rasaasta nuucyada kala duwan leh ee magaalada Borama ka dhex socota. Mudaharaadkan ayaa noqonaya kii ugu horeeyay ee magaalada Borama ka dhaca tan iyo markii uu suldaan wabar ku dhaqaaqay go’aankiisa.
Mursal Elmi