Burco(GNA)-Gudoomiyaha Ururka Jiidali ee Gobolka Togdheer C/samad Axmed Boon ayaa Maanta lagu xidhay Magaalada Burco Gobolka Togdheer,waxaana saaka abaara 11 kii la geeyay saldhiga dhexe ee Burco.lama oga sababta xadhigiisa ka dambeysa, hase ahaatee Gudoomiyaha markii Boolisku raadinayeen saxaafadda qaarkood la soo xidhiidhay ayaa sheegay in amarka xadhigiisa uu soo bixiyay Maayar ku-xigeenka Degmada Burco Muxumad xasan Jaamac (Xoday), waxaanu intaasi raaciyay inaanu wali war u hayn sababta xadhigiisa.
Sarkaalkan Gobolka Togdheer u qaabilsanaa Dallada Jidaali ayaa lagu xidhay Saldhiga dhexe ee Magaalada Burco, halkaasoo markii ugu war dambeysa la geeyay.
Gobanimonews
Burco Office
Email: axmedmm9@hotmail.com