Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye Md Muuse Biixi Cabdi isagoo ku hadlaya magaciisa , ka hogaanka xisbiga, Gudida fulinta , Golaha Dhexe iyo dhamaan xubnaha iyo taageerayaasha xisbiga kulmiye wuxuu Tacsi u dirayaa Dr Idiris X.Nuur Maxamuud iyo Dhammaan Qoyska Reer Xaaji Nuur, isagoo ka tacsiyadaynaya Walaalkood Marxuum Saleebaan X.Nuur. oo ku geeryooday Magaaladda Hargaysa, Gudoomiye Biixi wuxuu Alle uga baryayaa marxuumka inuu u naxariisto Eheladii,qaraabadii iyo asxaabtii uu ka baxayna samir iyo iiman ka siiyo.
Aamin Aamin Aamin
ALLAH MAHAD LEH
Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye
Md. Muuse Biixi Cabdi