Hargeysa(GNA)-Dhalinyaro tiradoodu kor u dhaafayso kun qof, ayaa ka qayb-galay Shirweyne noociisa markii ugu horaysay lagu qabtay Hargeysa oo ay soo qaban qaabisay Dallada Dhalinyarada Somaliland ee SONYO.Shirkan waxa furay Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Saylici, waxaana ka qayb-galay Wasiirrada xukuumadda kuwoodda ugu miisaanka culus oo ay ka mid yihiin Wasiirka Madaxtooyada Xirsi Cali Xaaji Xasan, Maaliyada Cabdicasiis Maxamed Samaale, Arrimaha Dibada Maxamed Biixi Yoonis iyo xubno kale oo ay ka mid yihiin Wasiirrada Dhalinyarada ah ee Xilalka hayaa.
Nuxurka Shirwerynahan ayaa ahaa sidii Dhalinyarada looga wacyi-gelin lahaa kala qaybsanaanta, Qabyaalada, Tahriibka, Balwadaha iyo dhibaatooyinka kale ee saaxiibka la ah nabad-gelyo darada iyo nolol xumadda.

Madaxda Dallada soo abaabushay Shirkan ee SONYO oo furitaanka Munaasibada ka hadlay, ayaa ka soo qayb-galeyaasha u soo jeediyay in wax laga bedelo hab-dhaqanada aan wanaagsanayn ee ay da’yartu hada deriska la tahay, waxaanu u soo jeediyay inay ka waantoobaan qabyaalada.

Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), oo isna furitaanka shirka ka hadlay, ayaa daboolka ka qaaday inay dawlad ahaan diyaar u yihiin shaqo-abuurista Dhalinyarada iyo sidii fursado wax ku ool ah loogu sameyn lahaa kumanaanka sanad walba dhamaysta Tacliinta heerarkeeda kala duwan.
Xubno ka mid ah Golaha Wasiirrada oo iyaguna khudbado ka jeediyay Kulanka, ayaa dhalinyarada uga xaal waramay Wax-qabadka Dawladda, Kaalinta ay xukuumadda kaga jiraan Jiilka soo kacayaa iyo qorshaha ku tal-gal ee Mustaqbaliga ah.
Halkan ka Daawo:
Shirkan oo maanta oo qudha socday, ayaa ahaa mid sawirro kala duwan bixinaya, isla markaana aanay ka madhnayn dareeno siyaasaddeed oo ay dawladdu dabada ka riixayso, sababtoo ay tahay waxa uu ku soo beegmay xilli aad moodo in Dhalinyarada looga faa’idaysanayo loollanka siyaasaddeed ee u dhexeeya Asxaabta Siyaasadda ee isu diyaarinaya Doorashada madaxtinimada ee sanadka soo socda dabayaaqadiisa la filayo inay dalka ka qabsoonto.
Abaabullada dabada ku haya Siyaasadda u dhaxaysa dhinacyada xukuumadda iyo Mucaaridka, ayaa waxa ka bar bar curtay labadii sannadood ee ugu dambeeyay Dallado Dhalinyaro oo magacyo qabiil huwan, kuwaasoo aad moodo inuu aasaaskoodu saameyn aan fiicanayn ku yeeshay isku-xidhnaantii guud ee Dhalinyarada iyo bulshada qaybaheeda kala duwan.
Markase laga hadlayo sababta keentay abuurista Ururrada dhalinyarada ee Beelaha ku salaysan, waxa la aaminsanyahay inay taasi ku timi cadaadis siyaasaddeed iyo gujo-gujeyn Shacbiga Gobollada qaar u arkeen inay xukuumaddu gaar ugu hayso, si ay u shiiqiso masiirkooda siyaasiga ah iyo doorka ay ku leeyihiin dalka.
Si cad looguma xidhiidhin karo Shirkan ay Maanta Dalladda Sonyo isugu keentay Madaxda Xukuumadda iyo dhalinyarada, xaalladaha guud ee dalka ka taagan, balse hadana Dadka ka faallooda arrimaha siyaasadda ayaa aaminsan in shirku fursad weyn u yahay isku soo dhawaanshiyaha Xukuumadda iyo Dhalinyarada, isla markaana uu shiiqinayo heerka soo jiidasho ee Mucaaridka.
Dhalinyarada ayaa lagu tilmaamaa inay bulshada Somaliland ka yihiin Boqolkiiba siddeetan ama tiro ku intaa dhow, hadana waxa inta badan hogaaminta dalka iyo Goleyaasha Xeer dejinta ku loollama ashkaas da’doodu ka wayntahay Konton Jir, sida madaxweyne Siilaanyo oo ay haatan da’diisu cago-cagaynayso 78 jir.

Gobanimonews
Hargeysa Office
Email: editor@gobanimonews.com