(GNA)Sacuudiga waxaa uu kamid yahay wadamada ugu sharciga adag Adduunka taana waa wax lagu amaanayo marka loo eego ku dhaqmida sharciga Islaamka.Boqortooyada sacuudiga ayaa hore u soo jeedisay Awaamiro ka dhan Ah haweenka dalkooda kana mid tahay in aan gaadhi kaxeyn karin.
Dawlada waxaa ay hada soo saartay sharci ah in hablaha aan la guursan in aan gali karin marnaba maqaaxiyaha laga cunteeyo ee dalkaas,waxaa qormadeenan qortay Dailymail.
Tani ayey dawlada sabab ugu dhigeysaa marka ay galaan dumarku maqaaxiyaha in aaney ku haasaawi kareyn maadaama aanney heleynin meelo kale oo ay kula haasawaan raga,waxaa ay aheyd fursad u banaaneyd oo aaney Dowladu ku baraarugsaneyn laakiin imika Albaabada ayaa xidhay.
Marka laga yimaad haasaawaha waxaa ay dawlada ka baqeysaa in habluhu ay ku isticmaalaan halkaa telifoonada ,sidoo kalana ku cabaan sigaarka.
Sidaa daradeed maqaaxiyaha dalka Sacudiga waa lagu ganaaxayaa iney galaan hablaha gashaantida ah .
Durba Arinkan ayaa dhaqan galay kadib markii milkiilayaasha maqaaxiyaha ay Albaabada ka xedheen una hogaansameen amarka ay dawladadu ka soo saartay
Sacuudiga waxaa ka jira sharci mamnuucaya in haweeneyda ay ku dhex safarto dalka kaligeed iyada oo aaney la socon muxarinkeeda sida ninkeeda iyo ama aabeheed.