(GNA) Ciidamada Booliiska Dalka Afgaanistaan ayaa ku guuleestay in ay toogtaan Shimbir ay kooxda Daalibaan kusoo xidheen Waxyaabaha qarxa , Daalibaan ayaana Shimbirkan la damacsaneed in ay ku qarxiso bar koontarool.Askari katirsan Ciidamada Booliiska Afgaanistaan oo joogay bar koontarool oo kutaala Xadka ay wadaagaan Afgaanistaan iyo Turkmenistan, ayaa ka shakiyay shimbirkan duulayay ay ka taagnaayeen anteeno sidoo kale waxyaabo kale ku xidhnaayeen.
Waxaa la sheegay in Askariga katirsan Ciidamada Booliiska Afgaanistaan uu durba toogtay Shimbirtaasi waxaana markii ay soo dhacday lagu arkay in ay ku xidhnayaeen waxyaabo qarxa ay doonayeen Daalibaan in ay ku weeraraan Koontaroolka ay joogeen Booliiska Afgaanistaan.
Kooxda Daalibaan ayaa hore weeraro qaraxyo ah waxa ay u adeegsatay Xayawaano kala duwan sida Dameero, waxaana imika Afgaanistana ka jira tuhuno laga qabo in xayawaanada xitaa lagu soo xidho waxyaabaha qarxa.