
Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Md Cabdiraxmaan Ismaaciil Cabdilaahi (Seylici),ayaa ka qeybgalay qalinjebinta 30 Ardey oo ka qalinjabiyey Jaamacadda Caalamiga ah ee Beder International University,kuwaasi oo ka qalinjabiyey 2-ba kuliyadood oo kala ah,

(Saleing Bank and Finance) ta 2aad na waa (Managing and Leadersh
ip.
Munaasibadan 30 Arday ee ka qalinjabiyey Jaamacadda Beder International University ee ay maanta ku qabatay magaaladda hargeysa loona sameeyey Kuliyaddaha (Saleing Bank and Finance) ta 2aad na waa (Managing and Leadership, waxa ka soo qeybgalay Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Md Cabdiraxmaan Ismaaciil Cabdilaahi (Seylici),Maamulka iyo macalimiinta Jaamacadda Beder oo uu ugu horeeyo Guddoomiyaha ahna Madaxweynaha Maamacadda Beder Islaamic University Mabaarig Ibraahim Aar,Wasiiro ,Culimo awdiin,Salaadiin iyo Madax dhaqameed iyo marti sharaf kale oo tiro badan.

Guddoomiyaha ahna Madaxweynaha Maamacadda Beder Islaamic University Mabaarig Ibraahim Aar oo ugu horeyn halkaasi hadal dhinacyo badan taabanaayey ka jeediyey waxa uu yidhi “Run ahaantii waxa maanta farxad weynoo ah in aad maanta na gala soo qeybgashaan Qalin jebinta ardeydan maanta ka qalin jebineysa Jaamacadda Beder oo aan odhan karo runtii waa Ardey wax u soo bartay siyaabo iyo qeybo kala duwan oo dhamaantood ay u baahan yihiin dalkan Jamhuuriyadda Somaliland,ardeyda maanta qalinjebineysa waxay ka qalin jabiyeen laba kuliyadood oo Jaamacadda Beder ay bixiso oo midi waa (Saleing Bank and Finance) ta 2aad na waa (Managing and Leadership), qodobka 14aad farxadiisa 3aad ee Distoorka Somaliland waxay si toos ah u qeexnaysaa in Somaliland laga hirgelinaayo nidaam dhaqaale oo ku dhisan Islaam,marka ardeydan maanta Beder University waxay barteen nidaamka dhaqaalaha Islaamka iyo culuumta islaamka iyo sida loo maamulo waxay yihiin iyo waxa ay kaga duwan yihiin culuumnta kale ee maanta caalamka ka jirta”

Md Aare waxa uu intaasi raaciyey “Ardeydan maantu waxay barteen sida wax loo maamulo iyo hogaaminta in kasta oo su’aalo badan dadku is weydiiyaan hogaamintu (Leadership) waa maxay taloow,waxanan qabaa ardeydani waa laba Kulmiyadood oo si weyn loogu baahan yahay maanta Somaliland ,Ardeydani mid kasta waxbu hore u soo bartay oo mid kasta waxa uu haysta Bachelor Digree ,laakiin Jaamacadda Beder waxay siisa aqoontaasi ka sareysa oo waxay gaadhsiisay 1 Bost Graudate Debloma ah iyo taasi mid ka sareysa oo ah Becholar Degree oo ay imika in mudo ah dhiganayeen,waxa aan soo dhaweynayaa qalinjabintooda iyo runtii halkana cilmigu ku ma dhamaado ee halkaasi ka sii wada ayaan odhanlahaa cilmiga iyo barashadda”

Guddoomiyaha Boodhka Jaamacadda Beder Suldaan Maxamed Xasan oo isna halkaasi hadal ka Boodhka jaamacadda ku saabsan ku dheeraaday waxa uu yidhi “Mudane Madaxweyne ku xigeen waxa halkan Jaamacadda Beder ka qalinjebinaaya maanta 30 Arday oo ka qalinjebinaaya qeybahaasi labada ah ee Guddoomiyuhu soo tilmaamay oo ah laba kulmiyadood oo isku xidhan kuwaasi ayaa ardeydani maanta halkan ku qalinjabinayaa ay barteen ee ku soo dhawaw,waana runtii waxtar horumar dalka u soo kordhay weeye waxana dedaal weyn ku bixisay Jaamacadda Beder iyo maamulkeeda inay soo saarto ardeydan oo baahi weyn loo qabay maantana dalkooda u faa’iideyn doona”

Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Md Cabdiraxmaan Ismaaciil Cabdilaahi (Seylici) oo isn halkaasi ugu dambeyntii ka hadlay ayaa amaan balaadhan u soo jeediyey Maamulka iyo Macalimiinta Jaamacadda Beder oo dedaal badan gelisay ardeyda qalinjabisay waxana uu yidhi“Salaan ka dib waxa runtii dhamaanteed farxad weyn inoo ah In aan ka soo qeybgalo madashan ay ku qalinjabinayaan aqoon yahanaddan dhalinyarta ahi kuwaasi oo ka qalinjabiyeen labadaasi kuliyadood ee ka qalinjabiyey Jaamacadda caalamiga ah ee Beder International University,runtii ardeydani waa dadkii dalku u baahna oo marka hore waxa aan leeyahay maanta waa maalintii farxada arooskiina oo marka hore hambalyo ayaan ardeyda leeyahay,marka 2aad na waxa aan leeyahay waxa mahad leh maaamulka iyo jaamacadda Beder University iyo waalidkii ku soo tabcay ardeydan oo dhamaantood soo geliyey dedaal aad u badan waxa aan leeyahay idinkuna hambalyo”
Md Cabdiraxmaan Ismaaciil Cabdilaahi (Seylici) waxa uu intaasi ku daray “Waxa aan idiinku ducaynayaa waxaas laydin baray Ilaahay haydinku anfaco,runtiina waxa qofka wax loo barayaa in uu horta isagu jahliga kaga baxo iyo mida 2aad oo ah in waxa uu bartay uu dadka uga faa’iideeyo ee aanu isagu wixii isku koobin uun marka aad iyo aad ayaan idiinku hambalyeynayaa dedaalka iyo horumarka Jaamacadda Beder idin gelisay ee maanta goosateen”
Wasiiradda Diinta iyo Aw Qaafta Sheekh Khaliil,Wasiiru dawlaha Waxbarashadda Axmed,Wakiilo ka socday Maxad Islaami ah oo reer Suudaan ah iyo marti sharaf kale oo qalinjabintaasi Jaamacadda Beder ka soo qeybgalay ayaa hadalo kala duwan oo guubaabo iyo amaan iskugu jira halkaasi ka soo jeediyey kuwaasi oo dhamaantood iska daba maray dedaalada ay jaamacadda Islaamiga ah ee Beder Universitay ay siisay soo saarista Kulmiyaddahan muhiimka u ah Somaliland.