Monday, December 8, 2014

Du,aad food cade oo xadhigii ay xukuumadu kula kacday ku tilmaamay xaaraan

Hargaysa(GNA).Daa,uud food cade oo ka mida sarakiisha xisbiga waddani oo ay dhawaan ciida mada boolisku xidheen ayaa ka hadlay xidhigii ay kula kacday xukuumada siilaanyo isaga oo sheegay in uu xadhigaasi ahaa mid cadaalada daro ah islamarkaan ka baxsan qawaaninta dalka somaliland, meel ku dhacna ku ah sharafta dalka somaliland.
Mr.food cade oo maata shir jaraa,id ku qabtay xarunta xisbiga waddani ayaa xukuumada siilaanyo ku eedeeyay inay ku tumanayso nidaamka xoriyatal qawlka somaliland ka jira islamarkaan ay canbudhin ku hayso, waxaanuu sheegay in xadhigiisa loo maray sifo ka baxsan sharciga isaaga oo sheegay in markii ciidamadu qabteen ay iska indha tireen kaadhkiisii aqoonsiga oo uu sheegay in ciidamada uu tusay taasina ay meel ku dhac ku tahay qaranimada somaliland.
geesta kalana mr.food cade ayaa dhaliilay hogaanka sare ee ciidanka booliska somaliland, isaga oo meel ku dhac ku tilmaamay hadal hore uga soo yeedhay taliyaha ciidamada booliska oo uu taliyahu ku sheegay in aanay xidhin masuuli xisbiga waddani ah ee ay xidheen shicib waxaan hadalka taliyaha ku macneeyay mid ka baxsan haybada ciidamada.
sikastaba haatee masuulkan ayaa maalmo ku xidhnaa xabsiga dhex ee magaalada hargaysa,kaas oo ay xukuumadu xidhay ka dib markii isaga iyo laba xubnood oo kale ay ciidamada madaxtooyadu ka qabtay agagaarka madaxtooyada somaliland, wakhti ay wateen gaadhi ay ku dhijisnaayeen istiikaro ururka jiidali ahi.
Mustafe Axmed(Herer)
Gobaninmonews.com
Hargaysa/somalilnad.
herersax@gmail.com