Hargeysa(GNA)Badhasaabka Gobolka Sanaag Maxamuud Cali Saleebaan Ramaax, ayaa iska fogeeyay Eedo Xisbiga Mucaaradka ah ee Waddani u jeediyay oo ku salaysnaa Dhalinyaro Degmada Gar-adag ah oo lagu xukumay 9 ilaa 15 oo xadhiga ah ka dib markii lagu eedeeyay Rabshado ay Kulmiye kaga soo horjeedaan.
Mudane Ramaax oo warbaahinta kula hadlay magaalada Hargeysa ayaa warbaahintu waydiisay Eedaha ah inuu dhalinyaro gubtay Calanka Kulmiye ku xukumay xabsi dheer waxa uu ku jawaabay "Horta Eedahaasi waa qaar aanay waxba ka jirin”
Waxa Uu Mr Ramaax ku dooday inaan dhalinyarada Xidhani ka tirsanayn Xisbiga Waddani "Dhalinyaradaasi Waddani-na may ahayn,wax kalena may ahayn ee waxay ahaayeen Dhalinyaro Ciyaala suuqiin ah oo weeraray Saldhig. Qofka dambiilaha ah Xisbiga sheeganayaa isagay u taalaa laakiin waxay ahaayeen Inamo fal dambiyeed gacanta la galay,arintaasna waxay Maxakamaddu ka qaaday talaabo adag, Ciidanka amaanka ayaa soo qabtay oo soo eedeeyay Maxakamadduna talaabo ayay ka qaaday mid aan anigu shaqo ku leeyahayna maaha”
Mucaaradka ayaa Maamulka Sanaag ku Eedeeyay in Maxakamad wareegtaa Xukunka ku riday dhalinyarada islamarkaana muddo kooban gudaheed Maxakamadda oo Badhasaab Ramaax la socday wakhti dheer ku xukumeen Dhalinyarada balse Gudoomiye Ramaax ayaa difaacay Maxakamadda wareegta "Maxakamadda Gobolku way wareegtaa, tiisa rafcaanku way wareegtaa, waa Gobol aad u kala fog maaha in la iska fadhiyo oo sidan Hargeysa oo kale oo wuxuba ay is dhinacyaalaan”
Asxaabta Mucaaradka ah ayaa Maamulka Gobolka Sanaag ku eedeeyay inay dhalinyaradaasi ku xidheen fikirkooda oo Kulmiye ka soo horjeeda islamarkaana aan baadhis dheeraad ah lagu samayn kiiskooda ee Maxakamad guuraysaa mudo kooban ku xukuntay.
Mustafe Axmed(Herer)
Gobanimonews.com
Hargaysa/somaliland
herersax@gmail.com