Monday, December 8, 2014

xisbiyada mucaaridka oo ku hungoobay hogaanka koomishanka doorashooyinka qaranka.

Hargaysa(GNA).xubnaha koomishanka doorashooyinka qaranka Somaliland, ee cusub ayaa maanta si rasmiya ula wareegay xilkii koomiishanka ka dib markii maalintii shalay ahayd loo dhaariyay xilkaaasi.
Xil wareejitan oo ay hadheesay buuq iyo sawaxan xoogan oo ka dhex taagan xubnaha cusub ee koomiishanka doorashooyinka oo isku haystay nidaamka doorashada hogaanka koomishanka kuwaas oo ukala baxay xukuumada iyo mucaaridka, iyada oo ay goob joog ka ahaayeen wakiilo ka socday xisbiyada qaranka Somaliland,kulankan oo qaatay saacado badan oo noqday mid la isku mariwaayay ayaa waxa ugu dambayntii lagu soo dhameeyay in ay dhankii xukuumadu ku guulaysteen inay hantan hogaanka sare ee koomishanka doorashooyinka qaranka oo ay u doorteen Eng. c/qaadir iimaan oo ka socday madaxtooyada halka ku xigeenka loo doortay isla xubni ka socotay madaxtooyada, afhayeenka ayaa isna loo doortay Siciid cali muuse oo isna ka socday golaha guurtida.
arintan ayaa xisbiyada mucaaridka ku noqotay waji gabax iyo hungo ay kala kulmeen hogaanka koomishanka iyaga oo waayay guud ahaanba sadexdii xubnood ee ugu sareeyay,gudoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee Ucid Eng. Faysal cali waraabe oo isagu ku sugnaa goobta islamarkaan si xoogan u diiday natiijada ka soo baxday xubnaha koomishanka cusub ayaa ayaa ugu dambayntii ku qancay isaga oo markii ay ka soo baxeena ka gaabsaday inuu wax jawaaba ka bixiyo, xisbiga mucaaridka ah ee Waddani oo isaga ay ka joogeen dhawr xubnood oo hogaanka ahi ayaa isagu ahaa mid umuuqday mid aan dareemin xaalada balse markii uu shirka ka booday gudoomiyaha xisbiga ucid ayay iyaguna dhankooda ka biyo diideen.
isku soo wada duuboo xisbiyada mucaaridka ayaa maanta kala kulmay waji gabax iyo hungo xoogan iyada oo xisbi xaakimka kulmiyena uu ku guulaystay hankiisii ku aadanaa hanashada hogaanka koomishanka balse waxa wali arin daahsana waxay ay ka yeelidoonaan xisbiyada mucaaridka ahi .
Mustafe Axmed(Herer)
Gobanimonews.com
Hargaysa/Somaliland
Herersax@gmail.com