Sunday, December 7, 2014

Doqon maaha Nin baahani, diric maaha kii ladani!!!

Jamaal CabdilaahiWaxa yaabaha ama afkaarta aad layaabayso ee dadkeena soomaalida ama bulsha da afka soomaaliga ku hadasha caanka ka ahi waa inay nin ka hantida ama maalka haysta u yaqaanaan nin rageed ama diric isla markaana ay aad u qadariyaan kana danbeeyaan wadwadka iyo soo qaadida magaciisana badiyaan isla markaana afkaartiisa hore u socodsiiyaan iyagoo ka higaayo hadal meel mar ah oo kasoo baxay nin hooyadii nin dhashay ama lagu goblamay.

Waxaad arkaysaa iyagoo isaga la,aantii aan waxba u kala soconahayn ilayn way aamineene oo la isla hdex maraayo hebalbaa maqane shirka joojiya kaliya ninkaasi waxaa lagu ixtiraamayaa ama lagaga danbaynahayaa waa maalkaasi ialahay siiyey isagoo ku imtixaamaaya kuna eegaaya bal hada halka uu la maro iyo sida uu u maamulo.

Haduu afka kala qaado ama uu u holado inuu hadlana waxa dhacaysaba in meesha laga yaaco ama uu kharibo garta ama shirka meeshaasi lagu hayo waxaa kaliya oo la eeganahayaa waa maalkiisa oo waxaa lagu maalyaa waa maqaar ee maaha raganimo iyo caqli uu leeyahay dadkeenuna waxay ka simanyihiin waa inay ninka shilimada gacanta ku haya moodaan nin rageed lagu bay oo aan la,aantiis talaabo la qaadahayn taasina waa khalad.

Waxaa badan oo badan nin maskiin ah oo aan shilin hayn laakiin ilahay caqli iyo hufnaan u dhashay kuna galaday oo meesha uu dhigo aad cid gaadhaysaa jirin haba yaraatee isagoo iska cawlan oo meel halkeer ah iska fadhiya ayuu farta taagaa oo codsadaa inuu wax ka yidhaaho xaajada gurcan ee caqli laawaha lacagta haystaa qaloociyey dabeeto waxaa uu dhigaa meesheeda waxaana uu haleelaa halka ay bahashu u dhimatay waxaa la qaataa eraygiisa isagoon wali la tixgalinahayn oo kii lacagta haystay ayaa iska dhahaaya hebal waa iga boobay hadalkee eraygaa ama xubintaasi lafteeda ayaan soo watay waxaana lagu shaabadeeyaa wax magartihii maalka ilahay siiyey.

Hadaba makaan intaas yare e iftiiminta ah waxaan shaki ku jirin inaad iga taqaanaan arinkasi waayo waa caado ama waa dhaq liita oo aad ugu badan bulshada soomaaliyeed guud ahaan. Waxaan hadalka ku soo afmeerahayaa tuducyadan hoos kuyaala.

MAAHA DAHAB IYO LACAGEE

RAGANIMADU WAA HIBO.

DOQON MAAHA NIN BAAHANI, DIRIC

MAAHA KII LADAN.

Tuducyadani waxay muujinayaan ood ka dheehan kartaa sida ay dhabtu tahay lacagta iyo hantida badani maaha raganimadu balse waa hibo ilhay qofka u dhaliyo, dhinaca kale sida dadkeenu aamisanyihiin ee aan soo sheegnay ninka baahan een waxba haynin maaha doqon waayo baahida iyo qaninimada labadaba ilahay ayaa baxsha waana imtixaan labaduaba.

Dirica ama geesiguna maaha kii wax haysta uune waa hibo ama dheeraad ilahay dadkiisa siiyo. Walaal ha noqon idha ku garaad leh ee noqo maskax ku garaad leh.

W/Q: JAMAAL CABDILAAHI MUXUMED

( ABU CIZA)

Email: jamaalsuxufi@hotmail.com