(GNA)Mudaaharaad aan wali hore loogu arag dunida ayaa waxaa maalintii shalay ka dhacay wadooyinka waaweyn ee caasimada Kenya ee Nairobi.Magaalada Nairobi ee Kenya ayaa shaylay lagu arkay dameero lagu soo qorey "Tumechoka" oo micnaheedu yahay "waan daalnay".
Ereygan ayaa halkudhig looga dhigay dibedbaxyadii loogu soo horjeeday ammaan darrada dalka ka jirta, ee la qabtay bishii tegtay ee November.
Ciidammada dowladda hoose ee Nairobi ayaa markii dambe waddada ka qab qabtay dameerradaa.
Waxaa la sheegay in ay kadanbeeyaan muwaadiniin baryahaaba dawlada Kenya kaga soo horjeeday wax ka qabad la,aanta xaga amniga ee dalkaa ka jirta taas oo galaafatay todobaadkii aanu soo dhaafnay wasiirkii amniga iyo taliyihii guud ee dalkaa.
Dhacdadaa shalay dameeraha wadooyinka lagu arkayay ayaa waxa ay soo jiiteen saxaafada caalamka iyo ta-gudaha ku sugan dhacdadan ayaa waxa ay warbaahinta dunida iyo kuwa gudaha Kenya u aheyd wararkooda ugu horeeya.
